Guddoomiye Cirro Iyo weftigii Sama-wade Oo Gaadhay Maanta Degmada Go’da wayn,Buurta Loo Dalxiiska Tago Ee Gacanlibaax Iyo Soo Dhaweyntii Lagu Qaabiley + Sawirro.

0
123

Go’da weyn (SDN)Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo wefti uu hoggaminayo ayaa socdaalkii SAMA-WADE ku gaadhay maanta degmada Go’da weyn ee gobolka Saaxil iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo weftiga SAMA-WADE markii ay soo gaadheen degaanada Biyo-fadhiisinka, Derida kala kulmay soo dhaweyn ballaadhan,balse soo dhaweyn aan nooceed hore loo arag ayey kala kulmeen duleedka demada Go’da weyn markii ay soo gaadheen weftiga SAMA-WADE, iyadoo ay ku qaabileen dad weynaha ku dhaqan degmada Go’da weyn weftiga SAMA-WADE caleemo qayan, ciyaar dhaqameed iyo fardo, shinbiro lagu sharaxay calanka liimiga ah ee xisbiga WADDANI,waxaanay dadku ku lebisnayeen calanka xisbiga WADDANI,isla markaana waxay ruxayeen calanka Xisbiga WADDANI.

 

Weftiga Sama-wade ayaa loo gelbiyey madal loo sii sharaxay oo aad loo qurxiyey, iyagoo socod luga ah ku dhexmaray gudaha magaalada Go’da weyn,waxana ugu horrayn halkaasi ka haddlay qaar kamid ah odayaasha degmada Go’da weyn,iyagoo weftiga uga mahad celiyey bookhashadooda,waxaanay sheegeen in ay degmada Go’da weyni tahay, degmada uu dhalasho ahaan uu ka soo jeedo  Md.cirro.

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo dad weynaha ku dhaqan degmada Go’da-weyn fagaare kala haddlay,ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo sida quruxada badan ee ay u soo dhaweeyeen,isla markaana wuxuu sheegay in aanu ollole u socon ee uu socdaalkoodu daaran yahay dar-dar-gelinta hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha,waxaanu ugu baaqay in ay is diiwaangeliyaan,iyagoo sidoo kelena guddomiye cirro iyo weftiga SAMA-WADE ay bookhasho ku tegeen Tuulooyinka Go’da yar , iskudar,kuwaas oo hoos yimaada degmada Go’da weyn,isla markaana lagu soo dhaweeyey weftiga halkaasi.

 

Dhanka kalena weftiga SAMA-WADE ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”,ayaa hadhimo sharafeed aad u heersaysa loogu sameeyey Buurta loo dalxiiska taggo ee Gacanlibaax,taas oo shacabka ku dhaqan degmada Go’da weyn ay ku maamuuseen weftiga ,iyadoo intaa kadibna  ay weftiga SAMA-WADE u daawasho tageen goobaha dalxiiska taggo ee buurta Gacanlibaax

https://fbcdn-sphotos-d-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xtp1/v/t1.0-9/

https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xap1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-h-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xal1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-e-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xlf1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-d-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xtp1/v/t1.0-9/

https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpl1/v/t1.0-9/

https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpl1/v/t1.0-9/

https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xfp1/v/t1.0-9/

https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpt1/v/t1.0-9/

https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xap1/v/t1.0-9/https://fbcdn-sphotos-d-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xlp1/v/t1.0-9/https://fbcdn-sphotos-a-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xla1/v/t1.0-9/https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpt1/v/t1.0-9/https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xfp1/v/t1.0-9/https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xfp1/v/t1.0-9/https://fbcdn-sphotos-h-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xap1/v/t1.0-9/https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xla1/v/t1.0-9/https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xfa1/v/t1.0-9/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here