Guddoomiyaha WADDANI Oo La Sheegay in Lacagtii Lay-bareeriga Golaha Wakiilada Ku Dhistay Guri Qasriya

0
192

Hargeisa(SDN)Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa u guuray todobaadkii hore  guri weyn oo Qasri ah, kaas oo dhismihiisu socday labadii sanno ee u  danbeeyay, Gurigan oo ku yaala agagaarka Miiska saraakiisha, ayaa ah mid loo dhisay habka Qasriyada Madaxweynayaasha, waxaana ku baxday lacag tiro badan.

 

 

Lacagta ku baxday dhismaha Gurigan Qasriga oo tiradeedu lagu qiyaasay Hal Bilyan iyo laba boqol oo Milyan oo lacagta Somaliland Shillin ah, ayaa la sheegay in  ay ka mid ahayd ama loogu tallo galay Lay-bareeri wax lagu akhriyo oo uu yeesho Golaha Wakiiladu.

 

 

 

 

guri

 

Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in uu guddoomiyhu dhammaan lacagtii lay-bareeriga ugu jirtay misaaniyadda golaha Wakiilada la baxay kuna dhistay gurigiisa Qarsiga ah ee ku yaala miiska saraakiisha.

 

 

Xildhibaanku isaga oo arrintaa ka hadlanaya waxa uu yidhi; “Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Mudane, Cirro, waxa uu gebi ahaanba la baxay lacagtii miisaaniyadda ugu jirtay Lay-bareeriga loogu tallo galay golaha Wakiiladda, waxaanu gebi ahaanba u duway dhismaha Guriga Qasriga ah ee uu hadda u guuray.” Waxa Kale oo xuldhibaanku isaga oo haddalkiisa sii wata intaa ku daray;

 

 

“Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro raadinta kursiga Madaxweyneha wuxuu ka horeysiiyay dhismaha Qasrigii uu degi laha, waana arrin naadir ah, waayo! Siyaasadda Guri ayaa loo iibiyaa ee Guri lagama IIbsado”. Sida waxa yidhi mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo ka gaabsaday in Magaciisa la shaaciyo.

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Mud. Cabdiraxmaan Cirro ayaa ducaysi alabari ah ku sameeyay Gurigaas todobaadkii la soo dhaafay, kadib markii uu dhammaaday dhismihiisu una soo guuray, wuxuuna ku marti qaaday Masuuliyiin kamid ah Xisbiga WADANI iyo xubno ka tirsan Tageerayaasha Xisbigaas.

 

 

Dhinaca kale Mud. Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaaya Musharixii ugu horeeyay ee isagoo u tartamaaya  jagada Madaxtinimada dalka, ee haddana Guri noocan oo kale ah dhista xilli uu kaabiga soo saaranyahay Kaanbaynkii doorashadu. Geesta kale waxa la odhan karaa waxay talaabadani jawaab u tahay dadkii isweydiin jiray sababta uu Mud. Cirro isugu dhajiyo kursiga Guddoomiyaha Wakiilada, maadaama oo u ku qabo masaaxil, kuwaas oo aanu ka helayn Xisbiga WADANI haddii uu debadda uga baxo Jagada hoggaaminta Golaha Wakiilada, dhinaca kale dhismaha Qasrigan Guddoomiye Cirro waxay calaamad su’aal galinaysa kalsoonida lagu qabi karo hoggaamintiisa, maadaama oo uu Golihii Wakiilada si shakhsi ah uga faa’idaystay.

 

Sources: Somaliland Tom.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here