Guddoomiyaha Sh/Hoose Oo Iska Fogeeyay Warsaxaafadeed Ay Dowladda Ku Sheegtay In Bariire Lagu Laayay Al-Shabaab

0
233

Hargaysa(SDN)Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in baadhitaan lagu smaeynayo khasaarihii ka dhashay weerarkii Bariire oo la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo rayid ah.

War-saxaafadeed xalay ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay baardheyso eedeymaha sheegaya in dad rayid ah halkaa lagu dilay.

Mar sii horreysay ayay dowladdu isla war-saxaafadeed kale ku sheegtay in weerarkaasi oo ay wadajir u fuliyeen Ciidamo lagu sheegay amerikaan iyo Soomaali lagu dilay dagaalyannao ka tirsan Al-Shabaab, haseyeeshee waxaa soo baxayay warar kale oo sheegaya in dadkaasi ay ahaayeen rayid, ayna ku jireen saddex carruur ah.

War-saxaafadeedkaasi ayay dowladda Soo xigatay guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Ibrahim Adan Cali balse guddoomiyaha oo BBC-da la soo xiriiray ayaa beeniyay in wax xiriir ah ay dowladda Federaalka kala soo sameysay arrintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here