Guddoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye Oo La Magacaabay

0
549

Hargeysa(SDN)Xisbiga Kulmiye oo talada somaliland haya ayaa shaaciyay in la buuxiyay kaalintii ay banaysay guddoomiyihii garabka haweenka ee Xisbigaasi Marwo Canab Cumar Ileeye.

Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenkii garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ay u soo dalacayso Guddoomiyaha Garabka Haweenka.

waxaana hadaladii Xoghayaha Guud ee Kulmiye Ka Mid ahaa “Canab Cumar Ileeye waxa ay ahayd Guddoomiyihii Garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye, waxaanay soo shaqaysay muddo 17 sano ah, iyada ayaa markaas waxa ay tidhi waxa aan doonayaa in aan nasto.

waana lagu ixtiraamayaa insha allaahna waxa loo dhigi doonaa xaflad weyn oo balaadhan, iyada oo aanay jirin wax tartan ahi ayaa waxa xilka sii Hayn doonta guddoomiye ku xigeenkeedii oo ah Dalays Shire Faarax” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo u waramayay Eryal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here