Ganacsade Cumar Ceydiid Oo Dib U Helay Xoriyadiisii

0
146

Hargeysa(SDN)wararka soo gaadhay shabakada wararka ee Ilasynews waxaa ay sheegayan in uu ganacsade Cumar Ceydiid oo muddo 5  maalmood ah ku xidhnaa saldhiga Ibrahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa uu dib u  helay xoriyadiisii.

 

Wararka soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada Ilaysnews waxaa ay intaasi ku sii darayaan in sii deynta Ganacsadaha uu qeyb weyn ka qaatay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland muddane Saylici.

 

Sidoo kale waxaa ilaa hada socda dadaalo lagu xalinayo muranka ka taagan tiyaatarka Hargeysa waxaana soo deynta ganacsaduhu ku beegantay wakhti uu maanta  magaalada Hargeysa ku  soo laabtey Madaxweyne Siilanyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here