Ganacsade Cali Ducaale Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Madaxwayanaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi

0
422

Hargeysa(SDN)Ganacsade Cali Ducaale Oo hore u ahaa ciyaar yahanadii 1970kii ee gobolka togdheer oo fariin hambalyo ah u diray madaxwayanaha cusub ee somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan ku guulaystay xilka jagada madaxwayne nimo, ganacsade Cali Ducaale oo fariintani ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay helitaanka uu madaxwayne Muuse Biixi uu ku guulaystay xilka madaxwayne nimo isaga iyo ku xigeenkiisa mudan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici.

Ganacsade Cali Ducaale oo hada ka mid ah ganacsatada geeska afrika iyo carabta kaasi oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa gudaha somaliland ayaa madaxwyanaha cusub ee somaliland ugu baaqay inuu ka dhabeeyo balan qaadyadii uu u jeediyey guud ahaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaan shacbiga ku dhaqan Bariga gobolka Sanaag, oo mudo ku dhaw rubuc qarni(25) ka go naa dalka intiisa kale deegaanadaasi oo ka dib dhacay guud ahaan deegaanada kale ee dalka.

 

 

Ugu horayn waxa uu halkaasi ka sheegay in deegaanada Degmada Badhan,Hadaaftimo,Yube,Xiingalool,Dhahar iyo Laasqoray ay guud ahaan dadka ku dhaqan sugayaan xukuumada cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaanu sheegay in ay u heelan yihiin mar uun sidii ay u heli lahayeen dawlad ka war haysa oo dhawrta rabitaanka shacabka.

 

Waxaana Hadaladisii ka mid ahaa Ganacsade Cali Ducaale (”Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Madaxwayanaha Muuse Biixi Cabdi waxaanu leenahay hambalyo hambalyo hamabalyo madaxwayne waanu kuu hambalyeynaynaa aniga oo ah ganacsade Cali Ducaale hambalyo gaar ah ayaan kuu soo dirayaa, Tagi taankaagii ama safarkaagii aad ku tagtay Sanaag barri magaalada Hadaaftimo waxaad samaysay balanqaad waxaanu rabnaa inaad balan qaadkii ka soo fushid”)

 

Ganacsade Cali Ducaale Oo gaba gabadii halkaa hambalyo iyo duco uga jeediyey Madaxwaynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay in wakhtigan dalku u baahan yahay hogaan umada wax u qabanaya oo gobolada dalka si siman isku soo gaadhsiinaya waxaanu si gaar ah u taabatay in gobolka sanaag oo mudo badan ka dib dhacsanaa gobolada kale ee dalka uu helo xuquuqdii uu lahaa oo ah in uu la jaanqaado dhamaan gobolada kale ee dhigiisa ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here