Gacan Ka Hadal Adag Oo Dhex Maray Maayir Ka Gabiley Iyo Xisaabiyaha Gobolka

0
677

Hargeysa(SDN)Sida ay xaqijiyeen Xildhaabanada Golaha deegaanka Gabiley Iyo dad ku sugan magaalada Gabiley ayaa Cadeeyey in Mayaarka Magaalada Gabiley Mudane Maxamed Cumar dheere iyo Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo lagu magacaabo Mr.  Shucayb Oo ah Xisaabiyaha wasaarada Maaliyada u jooga Gabiley, ayaa la sheegay innuu dhex-maray khilaaf markii danbe isku rogay gacan ka hadal.

 

Gacan ka hadalka oo ka dhacay xafiiska Maamulaha Bangiga ayaan la ogayn sobobta keentay. Waxa ilaha xogogaalka ka imanaya Gabiley sheegeen in la isku hayo arimo la xidhidha hanti-dhawr dhawaan Gabiley tagay xili uu maayarku safar ku joogay dalka Sweden.

 

 

In kastoo uu gacanta uu qaaday duqu magaalada oo la sheegay in xisaabiyaha feedh kaga dhacay afka oo uu haatan ku sugan yahay wasaarada Maaliyada ee dhexe si uu dacwadooda loogu qaado Hargaisa. Khilaafyada siyaasiga ah ee Gabiley iyo masuuliyiintii ka jira ayaa ah mid huursan oo aan la fahmin Sida uu badhasaabkii hore ee Gabiley Mr.Ramax ka sheegay xafladii xilwareejintiisa ee bishii April ka dhacday Gabiley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here