Gabadhii ugu horeysay ee Soomali ah oo darawal ka noqotay basaska magaalada Oslo

0
188

Caasho Cali Maxamed oo ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa noqotay Gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo darawal ka noqota mid ka mid ah Basaska waaweyn ee ka howlgala magaalada Oslo.

Waxay sheegtay inay gabadhii ugu horeysay Soomaali ah ee darawal ka noqota Bas, waxayna sheegtay in yaraanteedii ay jeclaan jirtay xirfada darawalnimada.

“Markii aan yaraa ee aan Muqdisho joogay waxaan ku riyoon jiray anigoo dayuurad ama gaari wada sidaa darteed waa jeclaa lahaa inaan noqdo darawal” ayey tiri Caasho.

 

Waxayna intaa ku dartay iney aad ugu faraxsan tahay shaqadeeda, ayna dooneyso iney sii wadato muddo dheer, waxayna xustay in dadka baskeeda soo fuula ay si weyn u xushmeeyaan.

Dumarka Soomaalida ah ayaan inta badan looga baran iney bartaan xirfada darawalnimada, waxaana Soomaalidu ay la yaabi jireen marka ay arkaan haween gaari wadata, inkastoo mudooyinkan ay soo bateen dumarka Soomaalida ee gaadiidka wada.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here