Gabadhii 3aad Oo Ardeyad Ahayd Oo Lagu Dilay Muqdisho

0
122

Shalay gelinkii dambe waxaa  degmada Yaaqshiid ee Muqdisho lagu dilay caasho Cabdi  Saneey  oo ahayd 14 jir dhiganeysay dugsiga sare ee Al Fajri .

Waxaa dilkeeda geystay rag watay Mooto Fekon ah oo doonayay in ay ka dhacaan taleefanka Gacanta ee ay wadatay.

21-kii bishii September  waxaa xarunta jaamacadda Soomaaliya ee Baar-Ubax lagu dilay Amino Xuseen Xasan, oo rag hubeysan ay fasalka ugu galeen halkaasna ku toogteen.

18kii September iyadana la dilay Deeqo Daahir Caga-dahab oo gaadhiga dugsiga hoyga Xamar oo ay la socotay uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidanka dawladda Soomaaliya.

Dhammaan dilalkaas waxaa ay dhaceen xilli duhur ah, Deeqo oo ka mid ahayd ardeyda Hoyga Xamar waxaa la dilay iyada oo ka baxday iskuulka una socotay guriga iyada oo saaran gaadhiga iskuulka ee geyn lahaa gurigeeda, falkaas waxaa loo xidhay askar ka mid ah dawladda oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen.

Amina, waxaa la dilay xilli duhur ah iyada oo ku jirta fasalka,waxaana loo xidhay barihii fasalka xilligaas ku jiray iyo qaar ka mid ah ilaalada jaamacadda.

Sidoo kale Caasha ayaa la dilay iyada oo ka baxday Dugsiga  Al-Fajri, kuna sii socotay gurigeeda iyada oo dowladda aysan ilaa hadda sheegin cid ay u qabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here