Gaastarida

0
373

gaastrikada waa xanuun ay sababto aashitada caloosha. Dadka qaba dhibkaan waxay

sheegayaan inay cunooyinka qaarkod uga darto sida waxylaaha la shiilay, suugada, basbaaska

ama cabitaanka aashitada leh. Badanaa qofku waa iska fiicnaadaa maalmo kadib hase yeeshee

waa soo noq-noqotaa waxaana la socon kara labo-labo iyo caloosha oo hurta.

 

mo

Dadka noocaas ah waxay u baahan yihiin inay ka fogaadaan cunooyinka hibaya isla markaana

qaataan kaniini hoos u dhigta aashitada sida Zantac ama Losec. Waxaa haboon inaad dhakhtar u

tagtid haddii calaamaduhu aad u daran yihiin, ama ay isbadalaan ama aad ku fiicnaan waydo

daawooyinka aashitada yareeya. Dadka aysan calaamadahoodu uusan darnayn ama ay marmar

ku dhacdo waxaa ku filan maalmo ama isbuucyo ay qaataan Losec (Omeprazole) hal mar

maalintii quraacda ka hor ama Zantac (Ranitidine) laba jeer maalintii. Dhakhtar la tasho haddii

dhowr maalmood kadib aadan ku fiicnaan daawooyinkan, ama ay isla markii la joojiyo daawada

ay calaamaduhu soo noqdaan.

Calaamadaha aashitada caloosha waxay mararka qaarkood shabahi karaan kansarka caloosha

ama jadiinka sidaas darteed waxaa haboon inaad dhakhtar u tagtid haddii calaamadahaas ay kuu

dheer yihiin arimahan soo socda:

 45 sano jir iyo wixii ka sii wayn oo ay calaamadahaas ku cusub yihiin, ka soo darayaan

ama ay isbadaleen

Dadka ay u weheliyaan calaamadahaan soo socda da’day doonaan ha jiraane:

 Caatow ama miisaan lumid aan lagu talagalin

 Dhiig yaraan (aneemiyo)

 cunada oo jadiinka ku istaaqta, laqitaanka oo lagu dhibtoodo ama xanuun la socdo

 Matag, gaar ahaan mid dhiig la socdo

 Horay u qabay nabar caloosha ama laga qalay.

 Cagaarshow ama maqaarka oo cagaar noqda

Mohamed Somali

Deeqsi5@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here