”Faysal Cali Waraabe Caawimuu U Baahnaa Oo Kulmiyaa Dhulka La Dhacay” Jamaal Cali Xuseen

0
153

Hargeysa(SDN)Jamaal Cali Xussen  musharaxa  madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ka jawaabay hadlo mar dhaweyd ka soo yeedhay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

jamaal

Jamaal Cali Xuseen oo tilmaamay in uu faysal caawimo laxaad leh u baahnaa ko hor intii ayna u iman markaasi oo uu ku tilmaamay in uu xisbiga Ucid uu qaybta u badan ee uu guulaha la taaban karo ku soo gaadhay uu masuul buuxa uu isagu ka ahaa.

 

Waxaana uu sheegay  Jamaal  Cali Xussen in  gudoomiye Faysal Cali Waraabe  aanu afkiisa kaga qaadi karin xilkiisii musharaxnimo isla markaan Faysal uu yahay shaqsiga loo adeegsanaayo burburinta xisbiga UCID .

 

 

Jamaal Cali Xussen  oo arimahan  ka hadlayaa waxaaa uu yidhi ”  arinta khilaafka xisbiga UCID waxaanu la tagi doona dhinca sharciga , hadii uu  sharcigu noo shaqeyn waayana  waxay nagu kalifeysaa waxii rag sameyn jiray in aanu sameyno qofka ibnu aadamka ah hadii la dhibo oo gar daro loola tago waxbuu iska celinayaa .

 

 

Markaas Faysaloow adiga iyo kuwa dabada kaa soo riixaya ee Muuse Biixi iyo  Maxamed Aw Siciidna waanu iska celin doona , adiguna gudoomiye noo noqo meysid  Faysal Cali Waraabna Waxii Rag Iska Yeeli Jiray Ayaanu Iska Yeeli Doona ” ayuu yidhi Jamaal Cali Xussen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here