Fashilka Wasaarada Dhalinyarta & Ciyaaraha Somaliland

0
678

Wasaarada dhalinyarta iyo ciyaaraha ayaa kamid ah wasaaradaha kala duwan ee Soomaalilaan, taasoo macnaheedu yahay inay leedahay shaqooyin u gaar ah oo loo igmaday, kuna salaysan waaxda ay kaga jirto horumarka iyo waxqabadka wadankan. Wasaaradan hadaba sida magaceeda ka muuqata ayaa waxa loo xil-saaray wax ka qabadka, horumarinta, iyo ka shaqayanta dhalinyarta iyo ciyaaraha kala duwan, sidaa daraadeed waxkasta oo la xidhiidha labadaa aan soo xusnay waxay hoos imanayaan wasaaradan iyo shaqaalaheeda.

 

Hadii aynu kala qaadno labada qaybood ee wasaaradu ka kooban tahay, aynu ku horeyno dhalinyarta; dhalinyartu waa jiilka ama mustaqbal wadan kasta, taas oo la micno ah inay laf-dhabar u yihiin koboca, horumarka, cilmiga, iwm. Dhalinyarta ayaa sidoo kale waxa ay saldhig u yihiin qaabaynta iyo habaynta mustaqbalka bulsheed ee soo socda, intaas kadib wasaarada ayaa waxa shaqadoodu tahay wax ka ogaanshaha hawlaha dhalinyarta iyo horumarkooda, xidhiidhka bulshada, iyo inay samayso dhamaan kaabayaasha kala duwan ee lagu teegeero dhalinyarta wadankan Soomaalilaan. Hadii aan usoo noqono qaybta labaad ee wasaarada oo ah ciyaaraha; ciyaarahu waxay leeyihiin taariikh aad u gun dheer gaar ahaan ciyaaraha Soomalilaan, hasayeeshee waxa ay ku kooban hada wakhtigan xaadirka ciyaaraha wasaaradu qabatu; Ciyaaraha kubada kolayga, ciyaaraha kubada cagta, iyo ciyaaraha orodka ama ciyaaraha fudud.

 

Wasaarada ayaa waxay u muuqataa mid shaqadeedii gabi ahaanba lumisay ama baal martay sida kale muuqata dhaqdhaaqa iyo wax qabad la’aanta ka jirta qaybaha kala duwan ee wasaarada, isla markaana aan u muuqan mid qorshe laysku halayn karo ka leh horumarinta iyo ka shaqaynta dhalinyarta iyo ciyaaraha wadankan ee loo simnaan lahaa. Xaqiiqda jirta ayaa ah inay jiraan carqalado iyo dhibaatooyin ka hor imaada wasaaradan oo ay kamid yihiin; dhaqaale yaraan iwm, balse taasi uma noqon karto cudur-daar fashilka haysta wasaaradan, sida ka muuqata dhamaan dhalinyarta wadanka ayaa waxa iska cad inay jiraan waxqabad la’aan dhinacyo badan taabanaysa, taaso lagu eedayn karo dhamaan dawlada Soomaalilaan oo aan qorshe waara ka lahayn dhalinyarta iyo ciyaaraha inkastooy fududahay in lagaga hadlo xafladaha, shirarka iyo fagaarayaasha, balse ay dhamaan ku dambeeyaan Hal bacaad lagu lisay”. Qorshayaasha dawladan cusub ee Soomaalilaan ayaa in badan ay ka dhex muuqdeen dhalinyarta iyo horumarintoodu taasoo yididiilo galisan qaar badan oo kamid ah dhalinyarta, keentayna inay ku tashadaan qorshayaashaas, hase ahaatee waxay ka dhaxleen xaqiiqda ah inaanay dawlani hal talaabo u qaadin horumarka dhalinyarta iyo ciyaarahaba taas ay hogaan u tahay wasaarada dhalinyarta iyo ciyaarahu. Dhibaatooyinka haysta dhalinyarta ayaa waxa ka kaw ah; shaqo la’aan baahsan, balwado, tahriib, waxbarasho joojin am aka hadhis, ku kaca falalka dhaca iyo boobka, ka niyad jabka ciyaaraha iwm, dhamaan dhibaatooyinka ayaa waxa keenaa ay yihiin waxyaabo la xalin karo, halka qaarkoodna iskuba xidhan yihiin oo hadii mid la abuuro kuwa kale meesha ka baxayaan.

 

Dhalinyarta ayaa waxa caado ka noqotay inay badhkood ka tahriibaan wadanka, halka qaar badan oo kamid ahi ay u jeesteen dhinaca balwadaha kala duwan, si lamid ayaa qaar badan oo kamid ahina ay ku kala qaybsameen qudhunka iyo qabyaalada iyo falanqaynteeda ay tahay camalkooda koowaad, iyagoo qaar kalena ay ka niyad jabeen waxbarashada iyo ciyaarahaba, intaas waxa dheer in dhalinyar badan ayaa bilaa camalka ku fooraraan baraha bulshada iyaga oo markasta camal kadhigta waxyaabaha ku cusub caalamka iyo bulshada Soomaalida, kuwaas oo usii durkaya aqoon yarida, dhaqan xumada iyo diinteena oo dariiqa ay farayso la raaci waayo, halka dhamaan ay ku kaliftay horumar la’aanta, mustaqbal la’aanta iyo qorshe xumada dawlada Soomaalilaan iyo wasaarada dhalinyarta iyo ciyaaraha. Qorshe la’aanta iyo shaqo xumaanta wasaaradan ayaa keentay in dhalinyartu sidooda isku xil-qaamaan oo ay samaystaan ururo kala duwan oo ku salaysal baahida ay qabaan, kuwaas oo ay kamid yihiin ururada bulshada, ururada dhaqanka, ururada ku bahooba waxbarashada, ciyaaraha, taas oo ay tusaale u yihiin dhalinyarta gobolada iyo dagmooyinka kala duwan ee wadanka oo sidooda u qabada tartan kala duwan oo ciyaaraha ah, iyaga oo aan wax kaalmo ah ka helin cidna.

 

Ururka SONYO ayaa isna qayb wayn ka qaatay fashilka iyo horumar la’aanta dhalinyarta, markaan leeyahay fashilna macnaheedu waxa weeyi ku guul daraystay inay matalaan dhalinyarta ay magacooda sidaan. Waxyaabaha aadka u ayaan darada ah ama in lala yaabo ay tahay ee ka muuqda siyaasiyiinta wadankan iyo hogaamiyayaashaba ayaa ah; inaad maalin walba arkayso masuul ku faanaya wax uu qabtay oo ah shaqadii loo igmaday ee xaqa loogu lahaa inuu qabto, “Qofkasta oo ku faana shaqo uu qabtay taasoo ahayd markii horeba shaqadiisa waxay macnaheedu tahay inay kuba adkayd qabashada shaqadaasi” Hadaba suaasha is waydiin mudani waxa ay tahay; waa maxay qorshaha dawlada iyo ururka SONYO ee dhalinyarta iyo ciyaaruhu?.

 

Wasaarada ciyaaraha ayaa shaqooyinka ay qabato ee aadka u tirada yar ee ay kamidka yihiin ciyaaraha goboladu ku fashilantay in ay u qoondayso in ay u qabato is daba joog, ama laba sano bood ama afar sano boodba, sidoo kale ciyaaraha kooxaha heerka koowaad, heerka labaad iyo heerka sadexaadba, taaso keentay inay dhalinyar badan oo ku nool magaalooyinka waawayn ee wadanku ay gabi ahaanba iska joojiyaan ciyaarista noocyada kala duwan ee ciyaaraha, una jeestaan dhinacyada tuuganimada, balwadaha, iyo ka sheekaynta meelaha bulshadu iskugu yimaadaan. Dhamaan dhalinyarta Soomaalilaan ayaa waxa ay ka siman yihiin niyad-jabka iyo ka samirka dhaqdhaaqa dawlada iyo wasaarada loo xil-saaray iyo ururka SONYO oo ku magaacaban magaca guud ee dhalinyarta kala duwan ee Soomaalilaan.

 

Guntii iyo gunaanadka dhalinyarta ayaa ah mustaqbalka bulsho kasta, hadii mustaqbalka wadanka loosoo jeesan waayo oo laga dhisi waayo dhinacyada kala ee kaabayaasha horumarka oo kor loo qaadi waayo kaalinta ay dhalinyarta ka ciyaarto bulshada iyo horumarka wadanka, waxaynu si badheedh ah god ugu ridaynaa bulshada mustaqbalka dhaw iyo ka fogba wax u tari lahayd Soomaalilaan, tan ayaa sabab u noqon karta horumar la’aan iyo koboc la’aan inaga soo waajahda dhinacyo badan oo kamid yihiin; tacliinta (Maadi & Diini), arimaha bulshada, ciyaaraha kala duwan, siyaasada, dhaqanka.

 

Arimaha noocan oo kale ah ayaa waxa bulshada caalamku iyo tan Islaamkuba u qaataan sida aad u qoto dheer iyaga oo u abuura dhalinyarta dhamaan kaabayaasha iyo dhidibada kala duwan ee ay baahan yihiin, kuwaas oo ka qayb qaata dhisida iyo tababarka dhalinyar iyo jiil aad u heer sareeya oo ka qayb qaata horumarka wadanka ay ku nool yihiin.

 

Waxyaabaha ay wadamada kale adeegsadaan ee dhalinyarta loo abuuro ayaa waxa ka kaw ah ciyaaraha kala duwan iyo barashada dhaqankooda kuwaas oo badana ka jeediya ku mashquulka waxyaabaha ay siyaasadu ugu horeyso sidoo kalena ay kamid yihiin qabyaalada oo wakhti xaadirka Soomaalilaan kusii xoogaysanaysa, gaar ahaan dhalinyarta, sidaa daraadeen waa in loo sameeyaa qorshayaal iyo farsamooyin kala gedisan oo awood leh, sidoo kalena sii waara oo ay ka siman yihiin dhamaan gobolada wadanku kuna salaysan baahiyaha kala duwan ee dhalinyartu taasoo aan hubo inay wado wanaagsan ku ridi doonto dhalinyar badan oo halawsan wakhti xaadirkan, bilaabi doontana dhisida dhalinyar aad u heer saraysa oo ka qayb qaata horumarinta wadanka curdinka ee baahida wayn u qaba dhalinyarta fikir fiican iyo caafimaad caqli iyo mid jismiba qaba, taasna waxa gadh wadeen ka noqon karta dawlada cusub iyo wasaarada dhalinyarta iyo ciyaaraha iyadoo kaashaynaysa ururada kala duwan ee dhaliyarta ee ay u horeyso SONYO.

 

 

ALLAH MAHAD LEH

W/Q: Mukhtaar Mahdi Aadan

Tell: +252 (63) 4056993

Email: Mukhtarmahdi10@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here