Fashilka Cuqaasha Somaliland+200 Oo Laan Ah Oo Ay Siis Teen Masiirkoogii Iyo Xukuumada Oo Ku Guurtay Cuqaashii Waji Ku Macaashka Ahayd

0
103

Hargeysa(SDN) Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Waran cadde ayaa saaka soo abaabulay koox Cuqaal ah oo waji ku macaasha ah, kuwaas oo la iskugu keenay hotel Shiraaqle ee Bariga Magaalada Hargeysa si ay uga daba hadlaan Cuqaal, dhalinyaro, waxgarad  shalay shir jaraa’id ku qabtay isla hotel-kaas oo diiday muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumada Siilaanyo ee wakhtigeedu gabaabsiga ku dhaw yahay.

Fashil

Kooxda ayaa markii ay damceen inay hadlaan waxaa weerar ku soo qaaday dhalinyaro ay cuqaal u yihiin oo diidan iska daba hadalka Beesha ay ka soo jeedaan ee (isaxaaq), waxaana goobtii isku rogtay fawdo iyo dagaal isla markaas Wasiir Waran cadde ayaa koox Boolis ah iyo TV-ga afka dawlada ku hadla u soo diray iyada oo dhamaan dadkii la soo ururiyay ay goobtii ka tageen marka laga reebo lix Oday ah oo aakhirkii halkaas hadalka jeediyay ka dib markii Boolisku isku hareereeyeen qolkii ay ku hadlayeen.

 

 

Ugaas Xuseen Geele Abokor (Qaws) iyo Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi oo ah xubnaha uu u soo dhexmaray Wasiir Waran Cadde ee abaabulka wadday ayaa xiiq badan oo ay halkaas kala kulmeen waxay aakhirkii lacag gaadhaysa 700’000SL Sh ah u qaybiyeen lixdii oday ee khasab ku hadalka ahaa, taas oo dadkii goobta joogay anfariir iyo fajac ku noqotay markii ay arkeen qaybsiga lacagta ee odayaashu isku fara saari gaadheen, iyada oo lacagtaasi u gaadhay 50 kun iyo 100 oo SL Sh ah, taas oo keentay in dadkii goobta soo buux dhaafiyay layaab ku riday cadadka lacagta ah ee loo qaybiyay, waxaana halkaas hadalkii ka taagtaamay  Ugaas Xuseen Geele Abokor (Qaws), Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaah iyo lixdii Oday, kuwaas oo ku cabanayay in lacagta uu soo dhiibay Wasiir Waran cadde anay intan ahayn, waxanay carabku ku adkeeyeen inay labada dilaal dhexda u fadhiisteen.

Isku soo wada duuboo, tani waa mid Xukuumadda Siilaanyo Ay Maalimihii u dameeyay lacago tiro badan ku bixinaysay,abaabulka weji ku macaashka ee Saxaafada Afka Dawlada ku hadasha la soo horfadhiyay taageerada mudo kordhinta, iyada oo maskaxda ku hayaan in lacagtii cashuurta ee dadka danyarta ah laga soo ururiyay gidaarada loogu qaybsanaayo.1a1b1c2a2b2c3a3b4a4b5a5b6a6b7a7b8a8b9a9b

 

Please like & share:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here