Farmaajo oo la dejiyey hotelkii afar sano ka hor la dejiyey Xasan Shiikh markii la doortay

0
296

Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay markii loo doortay xilkaas, loona dhaariyey waxaa si ku meel gaar ah loo dejiyey hotelka Jasiira oo ku yaalla nawaaxiga garoonka dayuuradaha Aadan cadde.


Hotelkan ayaa ahaa kii afar sano ka hor la dejiyey Xasan Shiikh markii loo doortay madaxweynaha Somalia, waxaana maalintii xigtay ka dhacay weerar fashilmay oo ay ku soo qaadeen Al-shabaab.

Si looga hortago weerarkaas oo kale waxaa amaanka guud ahaan hotelkaas la wareegay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan oo halkaas ku ilaalin doona madaxweynaha cusub tan iyo inta laga caleemo saarayo.

Marka xilka si rasmi ah loogu caleemo saaro ayaa Farmaajo waxaa uu degi doonaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaasoo degaankiisa noqon doonta degaankiisa rasmiga ah afarta sano ee soo socota.

Guddiga qaban-qaabada caleemo saarka madaxweynaha ayaa la filayaa in maanta ama beri la magacaabo, iyadoo lagu wado in xafladda caleemo saarka ay ka soo qeyb galaan wufuud caaalami ah.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here