Fanaaniin katirsan Xidigaha Geeska oo soo gaadhay Magaalada Muqdisho

0
152

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho soo gaaray si weyna loogu soo dhaweeyay qaar kamid ah fanaaniinta Xidigaha Geeska ee ka dhisan Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Fanaaniintan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sida uu qorshuhu yahay waxa ay bandhig faneed ku qaban doonaan Magaalada Muqdisho habeenka Ciida, waxaana kamid ah Fanaaniinta maanta Muqdisho yimid Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday.

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Ciidii lasoo dhaafay Bandhig weyn ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu mar kale ku faraxsan yahay kusoo laabashadiisa Muqdisho, waxa uuna xusay in Habeenka Ciida Bandhig lagu qanco ay ku qaban doonaan mid kamid ah Hoteelada Muqdisho.

Kooxda Xiddigaha Geeska ee ka aas aasan Magaalada Hargeysa ayaa noqotay koox taageero badan ka hesha dadka aad u xiiseeya fanka, waxa ayna Fanaaniintan bandhigyo kala duwan ku qabteen dalka Gudihiisa iyo dibadiisa.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here