Falay Oo Hab Maamus Qabyaaladeed Ceerigaabo Loogu Soo Dhoweeyay

0
216

Ceerigaabo(SDN)axmed Cabdi Falay Badhaasabka SIILANYO U magacaabay Sanaag ayaa hab maamuus qabyaaladeed loogu soo dhoweeyay magaalada Ceerigaabo.

  •  falay

Dad la sheegay in gawaadhi lagaga daabulay degmooyinka Gar’adag iyo Celefweyn ayaa Duleedka magaalada lasii dhoobay si Falay uu sawir ula galo dadkaasi.

 
Geesta kale Xubno isuduwayaal, ay Falay isku reer yihiin oo Ceerigaabo ka abaaabulayay soo dhoweyntiisa iyo qaar kamid ah salaadiinta gobolka ayaa isku dhacay kadib markii ay saluug ka muujiyeen hab maamulka beelaysan ee ay uqaban qaabinayaan So Dhoweynta FALAY-Ga madaxweynuhu Gobolka Badhasaabka uga Soo Dhigay.

 
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweyne SIILAANYO Gobolka ugu balaadhan Somaliland ee SANAAG uu badhasaab uga dhigay masuul aqoontiisa maamul Maayar ku xigeen Dhaafsiisnayn taasoo bulshada gobolkaasi Saluug ba’an ka Muujiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here