Fadeexado Argagax Leh Oo Ka Soo Baxaaya Dhiig-bixii Sarkaalkii Lagu Dilay Ceerigaabo.

0
173

Ceerigaabo(SDN)Wiilka la yidhaahdo Muuse Xasan Yuusuf oo 8 bilood ka hor uun guursaday gabadh uu dhalay madaxweyne Siiraanyo aya lunsaday mucaawimo boqolaal kun oo doolar lagu qiyaasay oo loogu dhiibay cusbitaalka Ceerigaabo ee uu xalay dhiigbaxa ugu dhintay sarkaal ka tirsana ciidanka qaranka oo ka dhaawacmay gacant ka dib marki ay xabad uu askari ku soo riday kaga dhacday.

 

 

Mucaawimadan oo ay ku tabaruceen muwaadiniin reer Somaliland ah oo gudaha iyo dibadaba ku nool iyo waliba shirkado maxali ah iyo kuwo ajnabi ahba waxa ururinteeda lahaa ururka samofalka ah ee Shifo oo lagu aasaasay dalka UK muddo hada laga joogo 3 sanadoodun.

 

 

Mr Muuse oo ka mid ahaa xubnaha Board-ka ururka Shifo aya kadib marki uu guursaday Hodan Siiraanyo waxay shakhsiyaadki hayadda bilaabay kula taliyeen inuu iska casilo xubinimada Board-ka maa daama ururku yahay hayad samofal ah ooy khasab tahay inay siyaasadda ka fogaato.

 

 

Hasa yeeshee Muuse Xasan aya waxa u suurtowday in uu awood dawladeed kula wareego maamulki cusbitaalka Ceerigaabo waxaanu si xun ugu tagrifalay mucaawimadi dadka caadiga h iyo ganacsatadaba laga soo ururiyey ee loogu talogalay in cusbitaalka Ceerigaabo loogu soo iibiyo dawo iyo qalab isla markaana lagu bixiyo mushaharka dhakhaatiir cusub oo cusbitaalka loo qori lahaa.

 

 

Xaalada cisbitaalada dalka ayaa maraysa meeshii ugu hoosaysay, waxana laga dayrinayaa cisbitaalo badan oo dalka ku yaala kuwaasi oo ay dishoodeen musq maasuq iyo wax is daba marin, nasiib daro ninka dalka baabiinayaa waa madaxweyne Axmed Siilaanyo oo lagu xaman jiray nin aad u neceb musuq maasuqa, hase ahaatee waxa maanta inoo muuqata sida xilkiisii dalka loogu waalaayo ee loogu boobaayo isla markaasina ay qoyskiisu ay sida anshaxa ka baxsan ugu tagri falayaan iyada oo ay arimahan kow ka tahay marwada madaxweynaha Amina Waris oo dalkii galisay musuq maasuq iyo boob, waxna hore xididada ay qoyska madaxweynahu ugu saareen saxaafadii xorta ahayd hadana waxa la doonayaa in cisbitaalada dalka looga dhaarto dhiig joojin iyo daawooyinka aasaasiga ah.

 

 

Waxana nasiib daro ah in sarkaalkii xalay lagu dhaawacay magaalada Ceerigaabo la geeyay cisbatalka magaalada oo looga waayay daawada dhiig joojinta iyo kuwa kale ee dhaawacyada noocaasi ah lagula tacaalo taasi oo soo dadajisay in sarkaalkaasi uu sidaasi u geeriyoodo oo uu u dhinto dhiig bax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here