Fadeexadii Ugu Waynayd Xaruntii Caruurta Baahiyaha Gaarka Ah Oo La Wareejinayo + Jaamacada Hargeysa Oo Warqad Doonista Goobtaas Ah U Diray Madaxwayne Siilaanyo

0
567

Hargeysa(SDN)Xarunta caruurta baahiyaha gaarka ah ee sida naafada ah qabo oo wax ku barta dugsi ku yaala xaafada pepsiga ee magaalada hargeysa oo jaamacada hargeysa dalbatay in ay ka dhigto qayb ka mid ah oo ay wax ku bartaan ardayda dhigata jaamacadaasi kuwaasi oo warqad u gudbiyey madaxwayne Axmed Siilaanyo taasi oo ay ugu talo galeen in ay u bixiyaan Siilaanyo Campus waa sida aanu xogtani ku helnay mar aanu saaka booqanay xaruntaasi ayaa waxa ay ahyd mid ay ka socdeen hawlaha shaqo ee maalin laha ah balse ay dhamaan dadka meesha joogaa ay ka dayrinayeen sida xaalku yahay iyo caruurta baahiyaha gaarka ah leh ee jaamacada hargeysa ka saarayso.

 

Mar aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino maamulaha dugsigan ayaa noo sheegtay in aanay hada diyaar u ahayn in ay arintaasi ka jawaabto balse arinka lagu jiro waa sida ay noo sheegtee ayna rabaan jaamacada hargeysa in ay la wareegto goobtani iskuulka ah ayaa wax yar u jirta xarunta jaamacada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here