Fadeexadii Ugu Horaysay Oo Somaliland Gasho Iyo Xukuumada Muuse Biixi

0
2094

Hargeysa(SDN)Xukuumada somaliland oo xaflad balaadhan oo ay xilalka kula kala wareegayeen Labada madaxwayne ee Muuse Biixi Cabdi iyo Axmed Siilaanyo oo ka dhacday hargeysa haba yaraatee aan ku soo casuumin Isimada,Waxgaraadka,Aqoonyahanka iyo dhalinyarada beel weynta Warsangali taasi oo ka dhigaysa in bilawga dawlda cusub ee somaliland ay ku talaabsatay talaabo dhaawac weyn ku ah wada shaqaynta gaamurtay ee ay wada leeyihiin dadwaynaha ku dhaqan bariga gobolka sanaag iyo xukuumada somaliland.

 

Odayaal iyo wax garad aanu la xidhiidhnay oo noo sheegay in haba yaraateen wax talo ah aan laga soo galin cida la casuumayo taas badalkeedana ay ku sheegeen in la casuumay xubno wasiiro ah oo aan shacbiyad badan ka haysan beesha kuwaasi oo sheegay in ay dib uga soo sheegi doonaan war muhiim ah iyo talo ay ka gaadhaan sida xaal yahay.

 

Wariye Cismaan
Badhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here