Fadeexad Weyn Oo Dulhoganaysa Mayar-Xigeenka Hargeisa Cagaweyne

0
642

Maayar ku-xigeenka Hargaysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa ku kacay markale ficil lafjab ku ah Qaranimada Somaliland kadib markii uu Xafiiskiisa ku sharaxay Calanka Dalka Itoobiya isagoo itaalka ku xaragoonaya.

Xiliga uu maayar ku-xigeenka Hargaysa is hordhigay Calanka Dalka Itoobiya wuxuu shahaado gudoonsiinayay guddi ku midoobay gaadiidka Iska rogooyinka, ma jirin wafti ka socday Dalka Itoobiya oo uu la kulmaayay mana jirin wax ku khasbaayay inuu is hordhigo Calanka Waddan kale oo aan ahayn midka uu masuulka ka yahay, ficilka noocan ah iyo kuwo ka horeeyay ayaa mujinaaya heerka aqooneed iyo garashada Maayar ku-xigeenka Hargaysa waxaanu ficilkaasi adhax jab ku ahaa dhammaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here