Faah Faahino Kasoo Baxaya Diyaaradii Daallo Airline Ee Maanta Dabku Qabsaday

0
151

Waxaa maanta Diyaaradda Airbus 321 ee Daallo Airline dab qabsaday xili ay hawada ku jirtay mudo shan daqiiqo ah, iyadoona ka duushay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Dalka Jabuuti.

Diyaarada oo markii hore ka timid dalka Sacuudiga ayaa garoonka Aadan Cadde keentay rakaab gaaraya 212-qof oo u badnaa dad laga soo tarxiilay Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxa ayna Diyaarada markii timid Muqdisho hadana u duushay Dalka Jabuuti.

 
Diyaarada Daallo Airline, ayaa waxaa lasoo darsay cilad farsamo dhanka matoorka ah waxaana la sheegay in diyaarada qeybo kamid ah dab ka kacay , iyadoona ug dambeyn duuliyihii uu go’anasaday in uu dib ugu soo dajiyo garoonka Aadan Cadde.

Dhoor qof oo kamid ah rakaabkii diyaarada saarnaa ayaa la sheegay in dhaawacyo kasoo gaareen dabkaasi diyaarada ka kacay, waxaana dadka dhaawacyada qaba la geeyay goobo caafimaad oo kuyaala Magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin shilkan maanta ku dhacay Diyaarada Daallo Airline, waxa ayna sheegeen Saraakiil katirsan Dowlada Soomaaliya in ay socdaan baaritaan ku aadan cilada Diyaarada ku timid.








 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here