Ex-Wasiir Xirsi Wuxuu Ka Tagay Taariikh Waxqabad….. Wuxuu La Wadaaga Taariikhda Waxqabadka Madaxwayne Siilaanyo…..

0
199

Taariikhdu qarin mayso Ilaahayna qadin maayo….. Xaashe e nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe…….. Waxa aan qalinka u qaatay in aan wax ka idhaahdo haldoorkii, udub dhaxaadkii iyo horseedihii waxqabadka Ex-Wasiir xirsi. Damiirka ayaa ina faraya in aynu hambalyo iyo dhiiri galinba siino qofkasta oo umada reer Somaliland u jeexa tubta waxwada qabsiga iyo horomarka.. Inkasta oo aan la koobi Karin dhammaan waxtarka iyo waxqabadka uu lahaa Ex-wasiiir Xirsi balse waxaynu wax ka sheegi inta aynu dhamaan wada aragno.

 

 

Waa hogaamiye aragti dheer. Waa siyaasi hankiisu yahay himilooyinka guusha iyo wax qabadka. Waa shaqsi ku sifoobay daacadnimo, balan uufin, iyo deeqsinimo aan danayn adduun. Waxa intaa uu dheer, dhiiranaanta waxqabadka dad badan ula muuqda mid aan suurta galayn oo ay kow ka tahay wadada ceerigaabo.

 

Uma taageerayo isku reer baanu nahay balse waa mid aan kula midaysanahay fikirkiisa ah in uu dalka iyo dadkaba gaadhsiiyo horomar. Sidoo kale waa qof jecel in uu ku dayashada dadkii guulaha gaadhay si loogu daydo dariiqa ay mareen… Intaa kadib, waxaan u  gandadagi doonaa faalaynta waxqabadka EX-WASIIR XIRSI si kooban ama guud mara. Waxa uu la kowsaday xukumada madaxwayne Siilaanyo markii ay talada dalka la wareegtay 2010kii. Kartidiisa, dadaalkiisa, iyo halabuurnimadiisa waxa uu iskugu geeyay sidii dalkeena jamhuuriyada Somaliland horomar u gaadhsiin lahaa. …..

 

 

Waxqabadkiisa hadaynu si kooban u tilmaano waxa kamid ah: –          Dhismaha wadooyinka sida wadad ceerigaabo Runtii waxa la yaab lahaa sidii uu ugu dhiiraday ugana badheedhay dhisimaha wadada ceerigaabo. Wadadan ceerigaabo oo dad badani u arkayeen mid riyaha oo aan run noqonayan hadana waxaynu aragnay siduu u dhaqaajiyay uguna dhabeeyay dhismihii dad badan ugula muuqday dhalanteed. Sidoo kale wuxuu gacan mug leh ka gaystay gacan mug leh oo wadooyinka ay kamidka yihiin Hargeysa-Berbera Jidka Oodweyne-Burco-Hargeysa Waddada Hargeysa-Sallaxlay-Ina Guuxaa Laamida Kalabaydh-Hargeysa Dawga Cad ee Woqooyiga Hargeysa Waddada Dila-Boorama Waa sadaqatu jaariya waligii u socon doonta, Runtii ex-wasiir xirsi wuxuu umada reer Somaliland tusay dhammaan astaamaha hogaamineed ee dalkeenu u baahanyahay. Waa hogaamiye go’aan leh, geesiya, deeqsiya, iyo waliba leh hal-abuurnimo ku salaysin aragti dheer oo horseeda guul iyo waxqabad. Intii uu xukumada ka shaqaynayay wuxuu wakhtigiisa u horay sidii uu umada ugu shaqayn lahaa isagoo ay bulshadu la lahaa xidhiidh badan oo aanu iska wayniin jirin kursiga uu hayo.

 

Waxa la arki jiray isagoo oo kalidii socda oo aan askar wadan. Sidoo kale hadaad u fiirsato una dhabo gasho qoyskiisu waxay u noolyihiin sida bulshada dabaqada dhexe oo kamay muuqan madaxtinimo ay ku helayeen sad bursi. Waxa intaasi dheer, ma jiro caruurtiisa mid uu dhoofiyay dhamaantood waxay ku noolyihiin dalka jamhuuriyada Somaliland…. Waxa aan ku soo gabagabaynayaa, haddii aan lagu eegayn indho qabiil, wuxuu u qalmayay in uu noqdo madaxwayne dalka hogaamiye balse ayaan darada jirta ayaa ah waa kalkii reer hebel. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu Alle ka abaalmariyo waxqabadkiisii noqdan madaxwaynaha qaranka mar uun…

 

Wa bilaahi tawfiiq

W/Q: Khadar Abdi Ibrahim ( khadar sos)
khadarsoos@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here