Ergada Gobolka Togdheer Uga Qayb Galaysa Shirweynaha Haweenka Ee Xisbiga Waddani Oo Burco Ka Soo Ababaxay

0
180

Burco(SDN)Masuuliyiinta Xisbiga Mucaradka ah Wadani Ee Gobalka Togdheer ayaa Maanta Anba-Bixiyay 25 Xubnood Oo Metelaya Haweenka Gobalka Togdheer Kuwaasi Oo ka Qayb-Gali Doona Shirwaynaha Heer Qaran Ee Haweenka Xisbiga Mucaradka Wadani Ee la Filayo inuu Maalinta Bariya ka Qabsoomo Hotel Maansor Ee Magalada Hargaysa.

Mohamed Ibraahin's photo.
Xubnahani Matalayay Haweenka Gobalka Togdheer Ee iyagu u Anba-Baxay inay ka Qayb-Galaan Shirwaynahaasi Qaran ayaa la Filayaa inay Maantaba Gadhaan Casimada Hargaysa,


Ugu Horraynba Waxa ka hadlay Ujeedada ay u Anba-Baxayaan Haweenka Matalaya Haweenka Gobalka Togdheer Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka ah Wadani Ee Gobalka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
“Maanta Waxaanu Anba-Bixinaynaa 25 Xubnood Oo Matalaya Haween Waynaha Gobalka Togdheer Waxay insha-allahu Tacalaa ay Maalinta Bariya ka Qayb-Gali-Donaan Shirwaynaha Heer Qaran Ee Bahwaynta Haweenka Xisbiga Mucaradka Wadani,Waxaan ilahay uga Baryaynaa inuu Xubnahani Si Nabad-Galyo ay ku Tagaan Casimada Hargaysa,Guulna usoo Hoyaan Haweenka Gobalka Togdheer,Waxaan Maanta Halkan Baaq uga Dirayaa Guud ahaanba Bulshada Gobalka Togdheer Waxaanan Ugu Baqayaa inay Qataan Kaadhka Muwadinimada” Ayuu Yidhi Gudomiye Xuseeen Kaahin


Xoghayaha Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer Cabdisalan Maxamed Aden Oo isaguna Dhankiisa halkaasi ka Hadlay ayaa Hambalyo u Diray 25 Xubnood Ee Matalaya Haweenka Gobalka Togdheer Ee ka Qayb-Galaya Shirwaynaha Heer Qaran Ee Haweenka Xisbiga Wadani.

 


Khadra Nuur Barre Oo ah Mid ah Xubnaha u Anba-Baxaya Shirwaynaha Haweenka Xisbiga Wadani Oo Halkaasi ka Hadashay ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalededii Sida Tan
“ Maanta Waxaanu u Anba-Baxaynaa in Aanu Maalinta Bariya ka Qayb-Galno Shirwaynaha Loo Qabanayo Haweenka Reer Somaliland Gaar ahaanba Hawenka Xisbiga Wadani,Waxaan Rajaynayaa in Aanu Guul ka soo Hoyn-Doono Shirwaynahaasi Xubno Wax ku Ool ahna Aanu usoo Jiidi-Doono Haweenka Gobalka Togdheer,Maanta Somaliland isbedel ayay u Baahan Tahay isbedelkasna Waxaan Aaminsanahay inay Dhalin-Karaan Haweenka Somaliland Oo Cududooda isugu Geeya Xisbiga Wadani” ayay Tidhi Marwo Khadra Nuur Barre

 


Rooda Cabdi Maxamed,Caasha Xaji Jaamac iyo Caasha Cali Xayd Oo iyaguna Dhankooda Halkaasi ka Hadlay ayaa Ugu Baaqay Haweenka Reer Somaliland inay Tagero Hiil iyo Hooba la Barbar istagaan Xisbiga Mucaradka Wadani Oo ay Shegeen inuu Yahay Xisbi Badbadinaya Dalka isla Markaasna Loo Soo Celinaya Doorkii ay Haweenku ku Lehayeen Siyasada iyo Maamulka Dalka,

 

 

Ugu Danbayntii Xubnahani Maanta ka Anba-Baxay Magalada Burco Ee Matalaya Haweenka Gobalka Togdheer ayaa la Filaya inay Maalinta Bariya ka Qayb-Gali Donaan Shirwayne Loo Qabanayo Guud ahaanba Haween Waynaha Bahwaynta Xisbiga Wadani Kuwaasi Oo ku Dooran-Doona Hogaan Sare Ee Haweenka Xisbiga Wadani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here