Eeyo ka hor taga Qaraxyada diyaaradaha loo adeegsado oo garoomada Yurub laga howl galiyay

0
122

Guud ahaan wadamada ku yaala Qaarada Yurub waxaa lasoo darsay cabsi xoogan ay ka qabaan in kooxda Daacish qaraxyo ka geestaan ,waxaana si weyn loo xoojiyay dhanka amniga garoomada Diyaaradaha .

Eeyo tababaran oo xiliyadii hore urin jiray nuucyada kala duwan ee Daroogada ayaa iminka waxaa lagu soo talaalay inay uriyaan oo ay sheegaan Qaraxyada yar yar ee Diyaaradaha loo is ticmaalo waliba lagu dhex qariyo boorsooyinka ama shandadaha .

Wadamada Faransiiska , Jarmalka , Holland iyo Belguim-ka ayaa garoon kasta oo Diyaaradeed waxaa ku arkeysa Eeyo tababaran oo lagu baarayo boorsooyinka kuwaas oo si cajiib ah u urinaya nuucyada kala duwan ee Qarxyada gaar ahaan Qaraxyada batoonka ah ee Diyaaradaha lagu rido .









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here