Duullaankii Maanka

0
191

……………… Duullaankii Maanka…………….

Waxbarashadu waa furaha guulaha uu aadmigu gaadho inta uu dunida ku noolyahay iyo marka uu aakhiro tago intaba.

ima

Bulsho kasta inta ay aqoon diimeed iyo mid maaddi isku darsato ayay ama ku horumartaa ama filkeed kaga hadhaa oo taasi waa hubanti.

Waxbarashada diiniga ahi waa ta ummad kasta oo dunida guudkeeda uu Allah ku uumay ay sahaydeeda aakhiro ka dhigato oo waa waajib saaran qof kasta in uu diintiisa suubban ee Islaamka barto.

Somaliland intii ay madax bannaanideeda dib ula soo noqotay ka dib waxa bilaabmay qaab waxbarasheedyo kala geddisan oo dalka ka hano qaaday.

Ugu horrayn waxa dib u dhis iyo kaabis lagu sameeyay waxbarashadii dawliga ahayd waxa kale oo iyana bar bar socday waxbarasho gaar loo leeyahay oo ahayd malcaamadihii Qur’aanka Kariimka ah lagu baran jiray taasi oo ay soo raacaday maddaaris islaami ah oo culuumta diiniga ah si fiican loogu barto waxaana la odhan karaa waxa ay maddaaristaasi ahaayeen kuwo lagu dhigan jiray manhaj diiniya oo sax ah aadna ugu filnaa bulshadii markaa waxbaran jirtay.

Bilawgii qarnigii 21aad waxa bilaabmay olole ay hay’ado aan dawli ahayn dabada ka riixayeen oo manhaj loogu samaynayo dugsiyada dawliga ah, manhajkaasi qaybtiisi ugu horraysay waxa lagu soo daabacaday waddanka Kenya waxaana uu dalka soo gadhay inta ogaalkayga ah 2001 dhowr sano ka dibna waxa la daabacay fasalka 1aad ilaa 8aad ee dugsiga hoose dhexe oo AF-soomaali ah iyo luuqadda carabiga maaddada Tarbiyadda Islaamka iyo ugu dambayntii oo la raaciyay luuqadda English ka.

Markii ay hano qaadeen dugsiyada dawladda iyo maddaaristuba waxa kale oo iyana soo baxay dugsiyo gaar loo leeyahay se aan ahayn kuwii aynu hore usoo sheegnay.

Dugsiyadani iyagu waxa ay raacaan manhajkii dawladda loosoo sameeyay oo guud ahaantii loo baddalay luuqadda English ka marka laga reebo AF-soomaaliga,luuqadda carabiga iyo maaddada Tarbiyadda Islaamka.

Dugsiyadaasina waxa ay meesha ka saareen guud ahaanba dugsiyadii maddaarista la odhan jiray ee iyagu manhajka carabiga ah raaci jiray.

Haddaan dib u yar noqdo manhajka Somaliland loosoo dhoob-dhoobay waa mid Kenya lagu sameeyay oo aan xidhiidh iyo shaqo toona ku lahayn waaqica iyo nolosha dhabta ah ee Somaliland ka jirta dhaqan ahaan iyo diin ahaanba.

Beryahan dambe waxa soo baxay dugsiyo iyaga aan dalkaba laga lahayn ee dalal shisheeye laga leeyahay waana halka aan u socodo ee qoraalkaygu iskugu biyo shuban doono.

Markii ay bilaabmeen maddaaristu waxa jiray maddaaris laga leeyahay waddanka Sudan oo aad loo ammaani jiray waqtiyadaasi arday badanina ka aflaxeen runtiina aynaan ku arag dhaliil diiniyan loo hayay oo cidina dhaqan baddal ama diin baddal ugamay caban jirin oo dee dawlad Islaami ah baaba laga lahaa manhaj sax ah oo diinta islaamka ku qotomana way dhigayeen.

Kuwa aan u jeedaa waa kuwo badidooda laga leeyahay waddammo shisheeye dhiganamanaahij shisheeye ama qalaad.

Dugsiyadaasi waa kuwo dhawaanahan kusoo batay dalka, guud ahaan manhajka ay dhigaanna waa mid ka fog diinta islaamka, dhaqanka islaamka iyo kan soomaaliyeed intaba.

Marka aad u fiirsato ardayda dhigata dugsiyadaasi waxa aad dareemaysaa in ay guud ahaanba ka madhanyihiin dhaqanka iyo diinta islaamka.

Ardaydaasi waxa si hagar la’aan ah loogu dhigaa luuqadda English ka taasi oo soo jiidatay waalidiin badan oo aan uba fiirsan ardaydooda iyo waxa loo dhigo.

Haddi aynu is bar bar dhig yar ku samayno maddaaristii ardaydeenu dhigan jireen iyo dugsiyada dalalka shisheeye innagaga yimid waxa kaaga filan hal tusaale oo muhiim ah.

Tusaale: ardaygeenii maddarasadda dhigan jiray waxa la bari jiray ducooyinka la akhristo habeen iyo maalinba, marka la seexanayo iyo marka lasoo toosaba. Ardayda dhigata dugsiyada shisheeye ee dalkeena ka furanna waxa loo dhigaa sheekooyin habeenkii lagu seexiyo halkii ay ahayd in ilmuhu yaqaano ducada marka lasii seexanayo… Ayaan daroo dheh.

Haddaan ka eego dhanka Afkeenna hooyo ee soomaaliga guud ahaan ilmaha dugsigyadaa dhigtaa ma yaqaano wax afsoomaali la yidhaa halka dugsiyadaa qaarkood loogu bilaabo ardayda soomaaliga fasalka 4aad ee dugsiga hoose.

Luuqadda carabiga iyo tarbiyada islaamka manhajka way ku darsadaa laakiin ardayda si fiican looguma dhigo oo waxa loo tusaa in aanay ahayn mawaad muhiim ah sidaasi daraadeed ardaydu ma jecla kumana dedaalaan. Qur’aanka kariimka ah isaga hadalkiisaba daa.

Guntii iyo gebo-gebadii dugsiyadaasi waa kuwo shaqeeya oo oggolaansho ka haysta wasaaradda waxbarasha Somaliland, taasi waxa ay markhaati ka tahay in dalka ay cid kastaa  waxay doonto keeni karto fikir kastana lasoo dhawaynayo.

Haddaba waxa la gudboon waalidiinta dhalay ardayda ubaxa dalka ah in ay ilmohooda marka ay dugsiga gaynayaan ugu horrayn diinta iyo dhaqanka islaamka ku doortaan dugsiga ay ilmaha gaynayaan si aanay usoo bixin fac ama jiil guud ahaan diinta ka madhan.

 

Cabdifataax Yuusuf Cabdi

———————————————

05/2/2015 khamiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here