Duullaan Kooxda Daacish looga saarayo xaruntooda ugu weyn oo ka bilowday Siiriya

0
234

Xoogaga uu Mareykanku taageero ee waqooyiga Suuriya ayaa sheegay inuu bilowday dagaal magaalada Raqqa looga saarayo kooxda Daacish.

Duullaanka lagu qaaday magaalada Raqqa, oo ah xarunta kooxda Daacish ayaa waxaa ka qayb gelaya ciidamo ka socda xoogaga dimoqraaddiga Suuriya oo u badan Kurdiyiin uu Maraykanku ka taageerayo dhinaca hawada.

Hawlgalkan oo loogu magac daray (Carada webiga Euphrates) ayaa dhinaca kale ka qayb galka xoogga leh ee Kurdiyiinta ay dhibaato ka taagan tahay, maadaama Raqqa ay tahay magaalo Carbeed.

 

Taageerada Maraykanku siinayo Kurdiyiinta Suuriya waxay aad u xumaysay xiriirka kala dhexeeya dowladda Turkiga oo kooxdaas u arka argagaxiso.

Maraykanka ayaa u doonayay inuu qaado duullaanka Raqqa isla waqtigii uu bilawday weerarka lagu hayo magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, si xoogaga Daacish looga horjoogsado inay dib ugu gurtaan dalka Suuriya.

 
Dhinacyada ku lugta leh dagaalka Suuriya way ka soo wada horjeedaan kooxda sheegata dowladda Islaamka, balse mid mid ayay dhexdooda u dagaallamaan.

Weerarkan lagu qaaday magaalada Raqqa ayaa la qorsheeyey inuu soo socdo muddo bil ah, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu mudadaas ka daba dheeraado maadaama Raqqa ay tahay magaalo xarun weyn u ah kooxda Daacish.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here