Duulimaad Yadii Diyaaradaha JUBBA Iyo DAALLO Oo Lagu Xanibay Madaarka Imaaraadka

0
128

Dubai(SDN)Boqolaal kamid ah rakaabka diyaarada midowga Juba iyo Daalo ayaa tan iyo shantii subaxnimo ee saaka ku xayiran madaarada magaalada Dubia ee wadanka isutaga imaartaaka Carabta.

 

 

Weriye C/salaan Ibraahim Hereri oo khadka taleefanka ugu waramayey shabakada Caalamiga ah ee Warsomali.net ayaa nooga waramay sababaha duulimaadyada diyaaradahaasi u hanban yihiin waxaanu yidhi ” Waxaan kamid ahay rakaabka ilaa iyo saaka ku xaniban madaarka Dubia international Airport, dhamaanba diyaaradahaasi waxaa duulimaadkooda hakada geliyey weerarka dalka Sucuudi arabia xalay saqdii dhexe ku qaaday dalka yemen, Weriye Hereri waxaa kaloo uu sheegay in dhamaanba diyaaradahaasi caawa kasoo duulidoonaan sida la rajaynayo imaartaaka kana soo wareegi doona dhinaca wadamada Sudan iyo Itoobiya.

 

 

in kabadan 100 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kudhawaad 150,000 oo efenteri ah ayaa ka qayb qaadanaya weerarada Cirka iyo dhulka ah ee dawlada sucuudigu ku qaaday wadanka yemen waxaana xidhan marinada cirka yemeneed ee gebi ahaanba diyaaradaha khaliijku isaga kala gooshi jireen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here