Duulaankii Dunta Casaa!! W/Q Cumar C/risaaq

0
206

Dadku waxa uu dad ku yahay ismaqalka iyo in gaawaha loo dhigo guntigana loo giijiyo talada muhiimaka ah ee ay bulshadu ku horumari karto xisbiyo saaxada siyaasada raad barad ku ah oo raba in ay mucaaridad qaldan oo indho la ay la hortagaan bulshada iyo siyaasi danayste ku dhex ah bulshada oo badalaya masiirkii iyo hanaankii dawladanimo ee qarankani Somaliland in mudo ah uu hayinka u soo hayey.

Xisbiga Waddani waxa uu ka mid yahay xisbi ku cusub saaxada siyaasada Somaliland balse la soo kacay  majaro habaabin bulsho,iyo qoqob siyaasadeed taasi oo gundhig u noqotay in uu waji gabax kala kulmo siyaasada faca weyn ee Somaliland.

 

 

Talada dadyaw aad u tirro badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland oo rabta isbadal caafimaad qaba Hadana waxay farta ku godayaan in talada dalka aan lagu aamini Karin xisbi calan cas(Waddani) oo dalka majaro habaabin kara taasina waxay in badan u gacan haadinayaan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye in uu dib ugu soo noqdo Talada dalka isagoo murashax cusub leh.

 

 

Muddo sanado dhawr ah ka dib dalka waxa si weyn looga dareemayaa ololle baaxad balaadhan oo uu hormood ka yahay Xisbiga Waddani oo ay u muuqato in uu ku tumanayo xeerer iyo ajandayaal aad u tirro badan kaasi oo ay sabab u tahay ku cusboonaan shaha saaxada siyaasada Somaliland, balse waxa ay u muuqataa in ay tahay ‘’booraan hadimo ha qodin hadaad qodona ha dheerayn ku dhici doontaana mooyi’’ Waddani waxa uu miidaanka siyaasada saaray hanaan qaladan oo uu ku seegi karo fursado aad u tirro badan.

 

 

Dalkani aadka u tirroda iyo dadkaba yar marka loo eego waddamo badan oo ka mid ah dunida waxa uu ka mid yahay waddamada soo koraya balse ay cagaha ka hayaan siyaasiyeen u badan danaysatayaal iyo waliba xisbiyo ay ka qaldan tahay ajandaha mucaaridadu.

Gabagabadii dalku waxa uu u baahan yahay masuul,siyaasi,xisbi la garanaya waxa ay bulshadu dareemayso oo in mudo ah la soo dayacnaa bulshada ku dhaqan dalka.

 

Cumar C/risaaq
Ayman.egal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here