Duqeyn naxariis la’aan ah oo ka socota magaalada Xalab & dadka oo quus taagan

0
138

Duqeyn naxariis la’aan ah ayaa ka socoto magaalada Xalab ee dalka Suuriya, gaar ahaan qeybaha mucaaradka ay maamulaan.

Duqeynta oo ah tii ugu xoogga badneyd ayaa socoto maalintii afaraad, sida ay sheegayaan hay’adaha xaaladda Suuriya kor kala socda iyo shaqaalaha gurmadka.

 
Xalab, oo mar ahaan jirtay magaalada warshadaha iyo ganacsiga Suuriya, ayaa waxay u kala qeybsan tahay laba dhinac tan iyo 2012-kii, oo ah Galbeedka oo dowladda ay maamusho iyo bariga oo mucaaradka ay haystaan.

Weriye AFP oo ku sugan magaaladaasi ayaa sheegay in duqeynta ay tahay middii ugu xoogga badneyd labadii sano ee la soo dhaafay, ayna madaafiicdu yihiin kuwo aan joogsi laheyn har iyo habeen oo meel walna isaga dhacaya.

 

La taliyaha arrimaha gargaarka UN-ka ee Suuriya wuxuu sheegay in xaaladda bariga Xalab ay meel quus ah gaartay, halkaasoo cuntada ay ku yartahay iyadoo xilliga qabowgu uu bilaabanayo.

Najib Fakhoury, oo ka mid ah kooxda difaaca bulshada Suuriya ayaa AFP u sheegay “Weligey ma maqal duqeyn iyo madaafiic sidan oo kale ah”.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here