Dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah oo lagu boobay wadanka Koonfur Afrika

0
152

Dukaamo ganacsato Soomaali ah ku lahaayeen xaafadda Strand ee hoos timaado magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa habeenkii xalay ahaa la boobay ka dib markii ay weerareen dad rabshado sameynayey.

Waxaa sidoo kale rabshadahan lagu gubay gaari uu watay mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida.

Dadka boobka geysanayey ayaa ka careysnaa dil ganacsade Soomaali ah uu kula kacay mid ka mid ah dadka degaanka oo uu muran dhex-maray, taasoo keentay in shacabku ay bilaabaan banaanbax ay uga soo horjeedaan ganacsatada Soomaalida.

Sideed Dukaan ayaa la boobay, waxaa la soo raray goobo kale oo ganacsi oo la keenay xaafadaha u dhow dhow degaanka uu dhibka ka dhacay.

“Markii uu dilka dhacay ka dib ayaan dukaanka galay, waxaa yimid dadkii ninka laga dilay iyo shacabkii kale, waxaana nagu bilaabatay dhagxaan iyo dagaal kaddib gaarigeyga oo banaanka yaalay ayey gubeen, waxayna bilaabeen boob” ayuu yiri Cabdulle Xuseen Cadaan oo ka mid ah ganacsatada la boobay hantidooda.

Ganacsatada Soomaalida ee lagu boobay degaankan ayaa ku noola halkaas tobaneeyo sano, waxayna sheegeen inuu soo gaaray khaasare aad u culus.

Xaalada deegaankaasi ayaa iminka dagan waxaana jira kulamo u socdo gudi ka tirsan ganacsatada Soomaalida, odayaal dadka degaanka ka socda iyo maamulka waxaana la filaya in xal laga dhibaatooyinkan dhacay.

Dilalka iyo boobka lagu hayo ganacsatada Soomaalida iyo ajaaniibta kale ayaa sanadahan dambe joogto ka ahaa Wadanka koonfur Afrika.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here