Dugsiyada Nuuradiin Oo U Dabaal-Dagay Sanad Guuradii 20aad.

0
303

Hargeysa(SDN) Dugsiyada kala duwan ee Nuura-diin Schools, ayaa Maanta u dabbaal-degay 20-guurada ka soo wareegtay bud-dhiggii bilawga ama aasaaskii Dugsiyadaas oo marxalado iyo heerar kala duwan soo maray, dad badanina ka aflaxeen ama wax ka barteen.

Munaasibad si heer-sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii Maanta oo kale la aas-aasay, ayaa lagu qabtay Hoteel Guuleed ee magaalada Hargeysa. Taasoo ay ku lammaanaayeen Abaal-marinno kala duwan oo la guddoonsiiyey Ardayda Dugsiyada kala duwan ee Nuura-diin Fasal kasta oo ka mid ah ku guulaystay Kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ee Imtixaanaadkii Sannad-dugsiyeedka.

 

Waxaa Munaasibaddaas ka qaybgalay Masuuliyiin kala duwan sida Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada, Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada, Madaxda Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE, Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Waalidiin, 21,000 (Labaatan iyo koow kun) Ardayda Dugsiyada Nuura-diin wax ka barata ah, Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Nuura-diin, Aasaasaha Nuura-diin Schools Mahad Ibraahin Maxamed iyo Marti-sharaf kale oo ka socday Bahda Jaamacadaha dalka.

 

Furitaankii Munaasibaddaas waxaa hadal ka jeediyey ka hadlay Mulkiilaha ahna Aasaasaha Nuura-diin Xaaji Mahad Ibraahim Maamed, waxaanu madashaa ka soo jeediyey Warbixinta taariikhda Dugsiyada kala duwan ee Nuura-diin soo mareen iyo heerka ay hadda marayaan iyo meeshii uu ka soo bilaabay, waxaanu sheegay inuu maanta oo kale 09-ka bisha September 1995-kii ku bilaabay qolyar oo ku yaalla Xaafadda Sheekh Madar iyo 8 Arday oo keliya, isaga oo aanu qolkaasi lahayn kuraas iyo miisas toona, balse ay Ardaydu ku fadhiisanayeen Caw.

 

 

“Maanta oo kale, waxaan ku bilaabay Skuullada Nuura-diin hal qol oo yar oo Sheekh Madar ku yaalla iyo 8 Arday oo keliya, waxay ku fadhiistaan iyo kuraas toona muulahayn ee Caw bay ku fadhiisanayeen. Maanta 8-dii Arday waxay marayaan 21000 Kun oo Arday halkii Macalin-na 900 oo Macallimiin iyo Maamulayaal ah.” Sida ayuu yidhi Mahad Ibraahin.

 

Erayadaasi uu Xaaji Mahad kaga warramayay taariikhdii hore ee Dugsiyada Nuura-diin, ka dib waxaa madasha lagu soo bandhigay intuu cod ahaan taariikhdaasi uu kaga warramayo oo maqal iyo muuqaal ahayd, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii Cajiibka ahaa ee Indhuhu jeclaysteen daawashadiisa isaga oo inyar oo timo dheer leh oo dhuuban iyo qolkii yaraa ee uu ku bilaabay 8-da Arday.

 

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inuu wax kala socday taariikhdii hore ee Nuura-diin Schools, isla markaana uu booqan jiray, waxaanu yidhi; “Waxaan maanta aad iyo aad ugu hambalyaynayaa Aqoonta Macamilliniinta iyo Maamulkaba inuu Wiilkaygii Curad ee aan aadka u jelclahay ka qalin-jabiyey. Shalay haddii aannu idin tagaeeraynay annaga uu Mucaarad ah, maantana waxaannu taageeraynaa annaga oo muxaafid ah.”

 

 

Wasiir Xirsi, waxa uu digniin u jeediyey Basaska qaada Carruurta Dugsiyada kala duwan ee dalka wax ka barta. “Waxaan jeclahay inaan cod dheer ugu digo Darwaliinta Basaska qaada Carruurta Dugsiyada oo yidhaada waxaann soo daadinayaa Saloolkii “Ardayda” oo ah Ubixii iyo Wadnihii Waalidiinta inay yidhaadaan waxaannu soo daadinaynaa SALOOL.” Sidaa ayuu yidhi Xirsi. Waxaanu dhalinyarada u soo jeediyey inaanay tahriibin ee ay dalkooda aamminaan.

 

Dr. Aadna Aadan Ismaaciil oo iyana Xafladdaas ka hadashay waxay u hambalyaysay Dugsiyada Nuura-diin, waxaanay sheegtay inay yihiin Muunadda Waxbarashada Somalilad oo dhan lagu xasuusto, isla markaana ay Ardayda ka soo baxdaa yihiin kuwa ugu Aqoonta fiican markay galayaan Imtixiaannada Jaamaadaha gaar ahaan Jaamacaddeeda Caafimaadka, waxaanay tidhi; “Iskuullada Nuura-diin iyo Maamulkooda Mahad Ibraahim Illaahay khayr ha siiyee waa Muunnaddii Waxbarashaa Somaliland, waayo? Ardaydoodu markay galayaan imtixaannada Jaamacadda ee aannu ka qaadno waxay galaan kaalinta ugu sarraysay mar walba.”

 

 

La-taliyaha Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u qaabbilsan arrimaha dibedda Faadumo Siciid, ayaa iyaduna halkaas ka hadashay, waxaanay ammaan iyo bogaadinba u jeedisay Waalidiinta, Ardayda, Maamulka iyo Macallimiinta Nuura-diin iyo Schoolladiisa waxaanay sheegtay inaysan wax qarsoon ahayn inuu Nuuradiin calaamad u yahay hormarka ku dayashada mudan ee waxbarashada dalka taas oo ay sheegtay inay ka marag-kacayaan ardaydii lagu bilaabay 20 sano kahor 8 arday inay maannta marayaan 21000 oo Arday, waxaanay tidhi; “Maanta waxbarashada Somaliland muunaddiisu waa Nuura-diin taana waxaa ka marag-kacaya kumannaankaasi arday ee Ubaxa ah ee hortiinna soo fadhiya.”

 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iy Tacliinta sare ee Somaliland oo Xaflad kale ku maqnaa waxa uu sheegay inay Dugsiyada Nuura-diin yihiin horseedka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan. “Waxaan maanta Iskuullada Nuura-diin iyo Maamulkooda uga hambalyeynayaa inay gaadheen meeshii ugu sarraysay tayada waxbarashada, waayo? Dhammaan Iskuulladii dalka oo dhan bay mar keliya ka soo dhex-baxeen Nuura-diin Schools.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland Cabdirashiid.

 

 

Axmed Muumin Seed Guddoomiye Ku-Xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa yidhi; “Waxaan marka hore soo dhawaynayaa hambalyana u dirayaa dugsigan Nuuradiin oo xusaya aas-aaskiisa 20aad guuradda, waxaan dhanlinyarada reer Somaliland ee ku jirta dugsiyada dalka uga digay in ay ka tahriibaan dalkooda una hamiyaan gaadhida dalal kale oo shisheeye ah, balse taas beddelkeeda ay ku dhiiradaan fulinta abaalka dalkoodu ku leeyahay si ay u soo celiyaan tacabkii la galiyey oo aanay waalida ku soo tabcay iyo macalinimiintooda horumarka intaa leeg gaadhiyay ayaanay abaalkooda ka dhigin hal bacaad lagu lisay.”

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii halkaa ka hadlay, waxa uu sheegay inuu Mahad Ibraahin Maxamed weligii ahaa qof leh himilo sare, taasina ay keentay inuu kaga dhabeeyo riyadiisii dheerayd ee uu ku riyoon jiray, waxaanu yidhi; “Marka uu Mahad idnin lahaa maan islahayn maanta oo kale ayaad gaadhi doontaa wuu is qarinayay ee weligiiba waxa uu lahaa hammigaasi sare ee maanta halkan soo gaadhsiiyey.”

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo halkaa ka hadlay, waxa uu hambalyo iyo bogaadin-ba carrabka ugu adkeeyey kaalinta uu Nuura-diin kaga jiro waxbarashada dalka. “Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dugsigan Nuura-diin ee xusay sannad-guuradiisii aas-aaska dugsiga oo 20-tan jirsaday, isla markaana waxaan leeyahay halkaa ka sii wada dedaalka iyo kartida aad horumarka ka samayseen, ee aad soo saarteen Jiilal kala duwan.” ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa bogaadiyey Kaalinta ay waxbarashada Somaliland kaga jiraan Dugsiyada kala duwan ee Nuura-diin, waxaanu yidhi; “Ubadka maanta waxbaranaya waxay yihiin mustaqbalkii dalkan, ee looga baahnaa in ay u sii tabcadaan sidii ay mustaqbalka ay u hoggaamiyaan lahaayeen dalkooda iyo dadkood, waxaanan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dugsiga Nuura-diin oo noqday iftiinshaha waxbarashadda iyo hirgelinta hammi waxbarasho oo ay ka muuqato bilic fiicani.”

 

 

Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe), ayaa hadallo taariikh, duco iyo dardaaran isugu jira ka jeediyey Munaasibaddaas, isla markaana waxa uu hambalyeeyey Dugsiyada Nuura-diin ee labaatan jirsaday iyo Ardayda kala duwan ee wax ka barata. “Waxaan leeyahay hambalyo Dugsiyada Nuura-diin, Iskuullada kale waxaan leeyahay Nuura-diin ku deyda oo dedaalka iyo hormuudnimada kaga dayda. Waxaan leeyahay Iskuullada isu taga oo Guddi idin hagta samaysta oo dedaala si aad Nuura-diin u soo gaadhaan.” Sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdi-Waraabe.

 

Gebogabadii Munaasibaddaas loogu dabbaal-degay 20-guurada ka soo wareegtay bilawgii Dugsiyada Nuura-diin, waxaa Shahaadooyin iyo Abaal-marinno lagu guddoonsiiyay labadii Arday ee imtixaanka Shahaadiga ah ugu sarreeyay Somaliland sannadkan oo kala ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cige iyo Saynab Axmed Maxamuud Sarhaye,iyadoo sidoo kale jaa’isado kala duwan la siiyay 693 Arday oo 346 Arday oo Wiilal ah iyo 347 Hablo ah oo Fasal kasta oo Dugsiyada Nuura-diin ah ay kaga jireen saddexdii Arday ee ugu sarreeyey Imtixaanaadkii sannadkan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here