Dugsiga Noradiin Oo Qayb Laxaad Leh Ka Qaatay Taakulayta Gudida Abaaraha Ee Heer Qaran

0
184

Hargeysa(SDN)Saaka abaaro 7-dii subaxnimo ayey ahayd kadib markii tiro kamida guddida heer qaran ee Qaadhaan ururinta Abaaruhu kulan la yeesheen ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Noradiin gaar ahaan qaybtiisa hablaha

Martiqaadkan ay ku tageen guddidu dugsiga ayey ka heleen maamulaha dugsiyada Noradin Mahad Maxamed Ibraahim oo xusay in ay ka  Noradin ahaan qaadhaan ka gaysanayaan abaaraha dalka ku habsaday

 

Displaying 5.jpgDisplaying 5.jpg

Hadaba, booqashada guddidan oo uu hogaaminayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ay kamid ahayeen Imaamka Masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan iyo Xoghayaha Golaha Wasiirada JSL Sharmaake Axmed Muxumed ayaa qayb ka ahaa dedaalada joogtada ah ee ay guddidu ugu jiraan in ay dhaqaale iyo kaalmo ka ururiyaan dadka samo-falayaasha ah si ay u gaadhsiiyaan dadyowga iyaga abaartu naafaysay isla markaana ay xaaladu xoolo tirtay.

Wasiirka , Maamulka dugsiga, iyo guud ahaanba guddida oo goobta ka hadlay ayaa xusay qiimaha sadaqadu leedahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in qofka masulinka ah walaalkiisa kale u damqado marka xaalado adag lasoo darsaan.

maq

 

Guddida ayaa  sidoo kale xusay  in casharada dugsiga lagu barto ay kamid tahay in ardayga lasii baro kaalinta uu bulshadiisa ku leeyahay iyo in uu qayb ka yahay dadkiisa oo la rabo in uu la dareen iyo damqasho noqdo ummadiisa

Ugu dambayntii maamulka dugsiga ayaa balan-qaaday in ay mudo 2 cisho oo keli ah kaga soo jawaab celin  doonaan baaqa abaaraha isla markaana ay kaalin muuqata ka gali doonaan dedaalka loogu jiro gargaarka dadka garabka inooga baahan ee abaaraha la taagta iyo tamarta daran.

 

ma

Maamulka dugsiga ayaa sidoo kale isla maanta guddida ku wareejiyey lacag dhan “Laba iyo Toban Milyan, Saggaal boqol iyo todoba iyo soddon kun” oo shilinka Somliland ah waxaanay xuseen in ay lacagtaasi horumarin uun tahay maadama dhicisku inta birta loo soo sito kasii bakhtiyo balse ay kaalin mug le ka gaysan doonaan taakulaynta abaaraha.

Gabogabadii, Guddida ayaa duco iyo dardaaran badan u jeediyey ardayda dugsiga Noradin iyagoo xusay in ay noqdeen muftaax u bilaabay ardayda dhigooda ah khayrka

nuuradiin

 

Sharmake Axmed Muxumed Geelle

Xoghayaha Guud ee  Golaha Wasiirrada JSL  ahna Xoghayaha Guddida Taakulaynta Abaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here