Dowladaha Somalia iyo Talyaaniga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

0
171

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali oo soo gaba-gabeeyay booqashadiisa shaqo ee uu ku joogay dalka Talyaaniga , ayaa kulan la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga H.E. Lapo Pistelli , oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

 

Kulankani oo ka dhacay Magaalada Rome, kuna dhammaaday jawi guul oo isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiil ah dalka Talyaaniga H.E. Amb , Maj.Gen. Muuse Hassan Abdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda .
Wasiiru dowlaha , oo booqday dhammaan dhismayaasha iyo hantida qaranka uu ku leeyahay dalka Talyaaniga oo u baahan dayactir iyo dib u dhis oo ay ku jirto dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Rome , ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan , ayna muujiyaan isku-duubni , una gutaan waajibaadka saaran si qaranimo ah oo hufan.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here