Dowlada Talyaaniga oo jawaab degdeg ah ka bixisay muwaadin looga dilay Qahira

0
156

Dowlada Talyaaniga ayaa dalbatay in Dowlada Masar ay Jawaab degdeg ah ka bixiso dilkii magaalada Qahira loogu geystay arday u dhashay dalka Talyaaniga.

Wasaarada arrimaha Dibadda Talyaaniga oo ka duuleysa dilka ardaygaasi ayaa u yeertay Danjiraha Masar u fadhiya Roma.

Dowladu waxa ay Danjiraha ka dalbatay in Dowladiisa masar ay cadeyso sababta gudaha dalkeeda loogu dilay ardaygaasi oo maalmahaani lagu la’aa gudaha Masar.

Wiilkaani ardayga ah ee lagu dhex dilay dalka Masar ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Giulio Regeni oo ahaa 28 sano jir, waxaana Meydkaasi laga helay deegaan duleedka ka ah magaalada Qahira.

Meydka wiilkaasi ayaa waxaa loo adeegsaday mindiyo iyo Dab, waxaana jiro warar sheegaya in qeyb kamid ah Jirkiisa lagu gubay dab.

Dowlada Masar ayaa sheegtay in baaritaan ay sameysay ay ku xaqiijiyeen in jirka muwaadinka Talyaaniga uu ku yaalo dhaawacyo culus oo muujinaaya in dilkiisa loo adeegsaday.

Ugu danbeyntii Dowlada Masar ayaa sheegtay inay si buuxda dowlada Talyaaniga kala shaqeyn doonto baaritaanka dilka ardaygan Talyaaniga ah oo dhigan jiray Jaamacada Cambridge Univeristy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here