Dowlada Mareykanka oo 24 sano kadib Safiir cusub usoo magacawday Dalka Soomaaliya

0
193

Hargeisa(SDN)Dalka Maraykanka ayaa safiirkiisii ugu horeeyey ee muddo 24 sano ka dib u soo magacaabay Dalka Soomaaliya sida lagu cadeeyey warka soo baxay Afhayeenka wasaarada Arrimahada Dibada Jen Psaki.

Warka ayaa lagu cadeeyey in madaxweynaha Maraykanka Obama u gartay in uu safiirka Soomaaliya u magacaabo Katherine Dhanani oo ah haweenay in badan ka soo shaqaysay dalal badan oo Africa ku yaala.

Afhayeenka wasaarada Arrimaha Dibada ayaa sheegtay in magacaabidan ay tahay mid taariikhi ah oo muujinaysa in dalka Soomaaliya uu ka baxay dagaalo iyo colaado in badan jiran, wuxuuna sheegay in ay qirayaan in hormar ka jiro Soomaaliya.
aqalka cad

“Magcaabistan taariikhiga ahi waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Somalia iyo Maraykanka, waxayna noo ogolaanaysaa inaanu ka marag kacno horumarka ay samaynayaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxaya sannado badan oo ay halkaasi ka jireen colaado” Ayey tiri Jen Psaki.

Jen Psaki waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay fulinta shaqooyin badan oo horyaala si ay u gaarto Soomaaliya dal u dhamaystiran dhinacyada dowlada, Wuxuuna sheegay in ay sii xoojinayaan taageerada ay siiyaan.

“Soomaaliya waxaa hortaalla shaqo badan oo ay tahay inay dhamaystirto si ay uga baxdo xaaladda kala guurka isla markaana ugu hayaanto qaran ku naaloonaya barwaaqo, nabad iyo dimoqraadiyad, Dalka Maraykanka waxaa ka go’an inuu ku taageero isla markaana ku garab galo Soomaaliya safarkoodaas sida saaxiibo isu samra oo kale” ayey tiri Spaki.

Katherine S Dhanani oo ah Safiirka loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa Afartii sano ee u dambeeyey ka soo shaqaysay dalka Hindia iyo sidoo kale sanadihii ka horeeyey 2010kii ka soo shaqaysay dalalka Zimbabwe 2007-2010 iyo dalka Gabon 2005-2007 waxayna shaqadeeda diblumaasi ka shasoo shaqaysay dalal badan oo ku yaala Africa.

Hadii la ansixiyo Safiirkan loo magacaabay Soomaaliya Amb. Katherine waxay ka shaqayn doonta xiriirka Diblumaasi ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo aan si toos ah u shaqayn ilaa 1991-kii xiligaasna oo uu kala baxay safaaradii Soomaaliya uu ku lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here