Dowalada Somalia Mise Dawlada Kooxda Xamar Mise

0
285

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada, guud ahaan gaar ahaan,waxan ku salaamayaa salaamta Islaamka’ascw’

Ka dib waxaan doonayaa hadalada qaldan ee ay saxaafada Somaliland ama somaliya u adeegsadaan magacyo been abuur ah oon jirin iyagoo siiya magacyo aaney lahayn kooxda Xamar fadhida ee ka kooban labada qabiil ee hawiye iyo daaroodka sida Hagbada,ayuuto, Islaamaha kolba mid loogu warejiyo xil ku sheega ugu sareeya kooxdaasi,

Markaan waxa ka qoraayo uma jeedo in ay wax hunguri ah ama dan ah aan ka leeyahey meeshaasi balse waxaan doonayaa in aan dadka u iftiimiyo wax meeshaasi xamar ka jiraa in ay yahiin wax ka sii hooseeye tii taliskii ina afweyne ee dalka u geystey dhibaatada xun ee ilaa hada dadka somalida gayeysiiyey gunimada ay ka bixi laayahiin mudada 25ka sanno ka badan.

Waxeynu arkeynaa in wali la wado sheekadii dowladii kacaanka aheyd mar hadii ina cumar carte oo kale ka dhex muuqdo xukumada labada qabiil ka kooban ee fadhida xamar, wax kale oon arkeynaa in la isku xushey yaa xukumadii siyaad bare aabahii wasiir ka ahaa waa mudo afartan sanno ka badan fartii ayaa wali socota.

Maxey tahey fariinta aan rabo in aan u gudbiyo shacabka Somaliland iyo somalidaba waad arkeysaan 2015 in wasiiro ku sheega qabiileysan ee Xamar lagu wan qaley REER , qudhac, reer qansax. Iyada oo hore u aheyd koox laba qabiil ay kolba sida hagbada isku wareejiyaan, oo kala ahaa , DAAROODKA IYO HAWIYAHA.

Hadaba saxaafada Somaliland maahan in ay siiso magacyo ama title aaney dadkaasi istaahil, sida reysal wasaaraha Somalia, madaxweynaha somaliya, sabatoo ah dalkii la odhan jirey Somalia waxaa ugu danbeysey 1991, Somaliland waa ay ka go’dey, intii kale waxey u kala baxdey, puqland, mudugland, raxweyneland, kismaayoland, markaasi waxaan ummada reer Somaliland iyo somalida kaleba ee dhulka la degtaba leeyahey meesha waa laba qabiil, ee ha loogu yeedho, reysal wasaaraha kooxda Xamar, madaxweynaha kooxda Xamar, maahan in aad qofka siisaan magac aanu laheyn oo been abuur ah ama aanu istaahilin, iyaguba Somaliland magaceeda wey qariyaan waaney necebyahiin manta laga bilaabo waa in loogu yeedha dowlada kooxda qabiileysan ee Xamar fadhida waayo waa qabiil maahan wax dowlad loogu yeedho. mana istaahilaan magacyada aad u qoreysaan!

Qore: Tahir Hussein
waayo_aragman@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here