“Doorashooyinka Ninka Maanta Wad-Wadaa Waa Nin Kicin Wada” Guddoomiyaha Golaha Guurtida

0
195

Hargeysa (SDN)-Gudoomiyaha aqalka Guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomida doorashada, waxaanu ku dooday inaan wakhtigoodii la gaadhin. Gudoomiyaha oo Saxaafaddu wax ka waydiisay aragtidiisa doorashada waxa uu ku jawaabay “Doorashada dee maxaan ka Odhan, Doorashooyinka ninka maanta wad-wadaa waa nin kicin wada. Doorasho wakhtigeedii ma joogto, marka la gaadho wakhtigeeda haddii la qaban kari waayo,markaas bay leedahay ka tashi laakiin, maanta waxan aan arkayo ee Jaraa’idkii iyo Mucaaradkiiba lagu waashay, anniga iima taalo Golahayagana uma taalo” Gudoomiyaha Guurtidu wuxuu ku sifeeyay dadka wakhtigan arrimaha doorashada ka hadlay rag wax qarbudaya ama doonaya in codkooda la maqlo “Wakhtiga doorashada hala gaadho, markaas qaranku waa tashanayaa, Waddadiisana waa yaqaan qaranku uu u marayo oo wuxuu leeyahay Sharci iyo Dastuur uu u maro, dastuurkaas iyo Sharcigaas ayuun baa loo raacayaaye Ninkii wax kale ku riyoodaa isagaa cirka caano ku Og ee Maxaa saska looga qabayaa”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtidu Gudoomiyuhu waxa uu intaasi raaciyay “Guddidii doorashadu annaga waxba nama odhan, Madaxweynihii nama odhan waxba, Maxaad annaga afka nooga qoryo-qoryaynaysaan, markay xaggaaas ka soo dhamaato ayuun bay Guurtida timaadaaye dee ha la gaadho” Hadalka Gudoomiyaha ayaa imanaya iyadoo Mucaaradka iyo Xukumaddu aad ugu kala fog yihiin Doorashada dib u dhac ku yimaada. Mucaaradka ayaa sheegaya inay u caddaatay inaan doorasho qabsoomayn islamarkaana loo baahan yahay inaan xukumaddu wakhtigeeda dhaafi Karin ee dawlad wadaag ah la dhiso, halka Xukumaddu muddo kordhin ku doodayso.

bc3b76968f6596aa7be7716af4ae9a71_L

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here