Doonidii Hubka waday ay qabteen Ciidamada Faransiiska oo la ogaaday Kooxda loo waday iyo halka ay ka timid

0
106

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dooni hub waday oo dhawana Badweynta Hindiya ay ku qabteen Ciidamada badda Dalka Faransiiska, doontan ayaana warar horey usoo baxay sheegayeen in ay kusoo wajahneed Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Maraykanka ee 5th Fleet Kevin Stephen, ayaa sheegay in baaritaano horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday in doonida hubka waday ee la qabtay ay katimid dalka Iiraan ayna kusii jeeday kooxda Xuutiyiinta ah ee ka dagaalanta dalka Yaman,

 

Waxa uu Tilmaamay Afhayeenka in xogaha hada la hayo ay muujineyso in doontan hubka badan waday ay kasoo shiraacatay Dekkad kutaala dalka Iiraan ayna kusii jeeday Dalka Yaman , iyadoona hubka loo waday Kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta Dowlada Yaman.

Waa doontii labaad ee hub sida oo lagu qabto Badweynta Hindiya, waxaana Ciidamada Badda Australia ay horey u qabteen dooni kale oo iyana hub siday oo la sheegay in ay kusii jeeday Dalka Yaman gaar ahaan Kooxda Xuutiyiinta, waxaana been noqotay in doonyahan ay Soomaaliya kusoo jeedeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here