Donald Trump oo Masraxa loogu soo koray Xili uu Khudbad jeedinayay in Naceybka loo qabo oo…

0
135

Musharaxa ugu cad cad ee laga yaabo in Doorashada u matalo Xisbiga Jamhuuriya Donald Trump, ayaa wali la kulmaya rabshado ay ku sameenayaan dadka kasoo horjeeda Siyaasadiisa ku dheehan cunsuriyada iyo islaam Naceybka.

Waxaa habeen hore laga carqaladeeyay banaanbax uu doonayay in uu kula hadlo taageerayaashiisa oo ka dhacayay magaalada Chicago ee gobolka Illinois , waxaana halkii uu banaanbaxa ka dhacayay rabshado ku dhax mareen taageerayaashiisa iyo xubno kale oo mucaardsan siyaasadiisa.

 
Donald Trump, ayaa mar kale carqalada la lulmay xili uu Khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa oo isugu soo baxay magaalada Vandalia ee gobolkaasi Ohio, waxaana mar qura masraxii uu ka khudbeenayay dhinac kasoo fuulay nin kasoo horjeeday Siyaasada Musharaxn.

Ciidamada ilaalada gaarka ah u ahaa Donald Trump, ayaa qabtay ninkan damcay in uu masraxa u fuulo musharaxa uuna dhibaateeyo, waxaana la arkayay Musharax oo arintan aad ula yaabay si weyna indhaha u taagaya.

Musharaxa ugu cad cad xisbiga Jamhuuriya ee Donald Trump, ayaa ah nin hantiile ah oo saameyn badan ku dhax leh Xisbiga Jamhuuriga uu ku horeeyo ololaha doorashada Xisbigasai, waxa uuna ninkan caan ku yahay cunsuriyada iyo naceybka uu u qabo dadka Muslimiinta ah iyo dadka kale ee kasoo jeeda Latin Amerika.





 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here