Diyaarado waa weyn oo kasoo dega Garoonka Aadan Cadde iyo Horumar Garoonka Laga Dareemayo

0
121

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa kusii tilaabsanaya horumar dhinacyo badan ah, waxaana garoonka maalin kasta kasoo dega Diyaarado badan oo isugu jira kuwa waa weyn iyo kuwa yar yar.

Mashquul aad u badan ayaa xiliyada qaarkood laga dareemaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana garoonka gudihiisa laga sameeyay dhismooyin badan oo kor u qaaday bilicda uu garoonkaasi lahaa.

 

Diyaarada Caalamiga ah sida Diyaarada Turkish Airweys ayaa garoonka kasoo dega kuwaa oo rakaabka kasoo qaada Wadamo badan oo Caalamka ku yaala, waxaana garoonka hada u muuqda mid hormar badan kusii talaabaya.

Amaanka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana garoonka ka howlgala ciidamada amaanka oo tababar dheeri ah la siiyay, waxaa sidoo kale amaanka garoonka ka qeyb qaata eeyo loo tababaray Urinta waxyaabaha qarxa.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here