Diyaarado Dagaal oo maanta Gantaalo culus ku garaacay Saldhig Al Shabaab ku leeyihiin Gobolka Sh/Hoose

0
150

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in maanta duqeymo culus ku garaaceen Saldhig Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
diyaarad
Goob joogayaal ayaa ku waramaya in ay maqleen dhawaqa gantaalo culus oo laga soo tuuray diyaarad Dagaal oo ku dhacday saldhig Al Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Jilib Marka , waxaana qal qal xoogan laga dareemay Deegaankaasi marka ay duqeyntu dhacday.

Lama oga ilaa wali qasaaraha ka dhashay Duqeynta lala eegtay Saldhig Al Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Al Shabaab ayaana diiday in loo dhawaado halka ay duqeyntu ku dhacday.

Diyaaradaha Dagaalka ee maanta Duqeyn ka fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali la ogeyn halka laga leeyahay iyo cida ay la beergsadeen Duqeyntaasi, waxaana dhawaan duqeymo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay Saraakiil sar sare oo katirsanaa Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here