Diyaarad Rakaab siday oo awoodi weysay in ay ku degto Garoonka Cadaado Dibna ugu soo laabatay Muqdisho

0
196

Wararka ka imaanaya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Diyaarad siday Rakaab ay ka qaaday Magaalada Muqdisho ay awoodi weysay in ay ku degto Garoonka Diyaaradaha Cadaado kadib markii ay cilad farsamo lasoo daristay.

Diyaarada ayaa la sheegay markii ay gaartay Garoonka Diyaaradaha Cadaado ayna dooneysay in ay degto ayey awoodi weysay, waxaana la sheegay in Diyaarada ay lugaha u bixi waayeen ayna dhoor mar isku dayday in ay soo degto balse ay suurtoobi weysay kadib markii ay lugaha usoo bixi waayeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Diyaarada ay markii dambe dib uga soo laabatay Magaalada Cadaado ayna soo aaday dhanka iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ,lamana oga in Diyaarada ay si caadi ah Garoonka usoo cago dhigatay iyo in aysan wali soo gaarin.

Waxaa dib ugu laabtay Magaalada Cadaado Rakaab doonayay in ay Diyaaradaasi kasoo qaado Magaaladaasi ayna keento Magaalada Muqdisho , mana jiro faah faahino badan oo laga bixiyay Cilada ku timid Diyaarada rakaabka aheed ee ku degi weysay Garoonka Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here