Diyaarad laga leeyahay Turkiga oo ku dul Bur burtay Guryo la degan yahay

0
134

Diyaarad Nuuca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dul bur burtay caasimadda dalka Kyrgzstan ee Bishkek, waxaana shilkaasi diyaaradeed ka dhashay khasaaro kala duwan.

Warbaahinta dalka Kyrgzstan ayaa baahiyay in diyaarada ay ku dul bur burtay guryo la degan yahay oo ku yaala Caasimada dalkaasi, waxaana dadka shilka ku dhintay ku jira dad deganaa guryaha ay ku dul bur burtay diyaarada.

 

Inta la xaqiijiyay shilkan Diyaaradeed waxaa ku dhintay 30-qof, waxaana dadka shilka ku dhintay u badan dadkii deganaa guryaha ay ku dul bur burtay diyaarada, waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jira Duuliyihii diyaarada.

Diyaarada bur burtay oo nooceedu uu yahay Boeng 747 ayaa kasoo duushay dalka Hong Kong, waxa ayna u socotay magaalada Beshkek ee ku bur burtay, walina lama oga sababta dhalisay shilkan khasaaraha dhaliyay.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here