Diyaarad laga leeyahay Ruushka oo ku bur burtay Koonfurta Sudan iyo Dad badan oo ku dhintay

0
120

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Juba ee Dalka Koonfurta Sudaan aya waxay shegayaan in Diyaarad kuwa xamuulka qaada ee uu Ruushka sameeyay ayaa ku bur burtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Caasimadda Jubba , iyadoo la soo wariyay in khasaare uu ka dhashay

Warar hordhah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Meydadka afartan qof dad lagu qiyaasay laga soo saaray galkii ay ku bur burtay diyaarada oo ku dhow wabiga Nile ee Magaalada Juba Ee Dalka Koonfurta Sudan.

Sidoo kale Qaar kamid ah Idaacad ka Howgala magaalada Jubba ayaa sheegtay in diyaarada ay ku sii jeeday Gobolka Upper Nile ee Isla Dalkaas waxaana ay ku bur burtay meel 800mitir u jirta wadada run-wayga.

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Jubba Ateny Wek Ateny ayaa u cadeeyay Wakaalada wararka ee Reuters in labo ruux ay ka bad baaday shilka diyaaradeed oo mid ka mid ah uu shaqaalihii diyaarada ahaa iyo canug yar.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here