Diyaarad Cilad ku timid iyada oo Hawada ku jirta iyo dadkii saarnaa oo Quraan Aqris & Ooyin Isku Daray

0
151

Inta badan warbaahinta Caalamka ayaa qortay in qalqal uu ku timid Diyaarad rakaab sida oo kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Abu Dabai ee dalka Isutaga imaaraadka Carabta.

Diyaaradaani oo ay leedahay shirkada Etihad Airways, ayaa kusii jeeday magaalada Jakarta ee dalka Indonesian, waxa ayna halis gashay kadib markii ay wax ka qaldameen matoorada diyaarada xili ay hawada sare ku jirtay.

Shilka oo ahaa mid si kadis ku dhacay ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 32 ruux oo uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, iyadoo dadkii la socday Diyaarada ay ahaayen kuwo ku duceysanaayay inay degto diyaarada iyaga oo badqaba.

Dadka la socday Diyaarada ayaa u badnaa kuwo da’ ah , waxaana dadkan ay ahaayeen kuwa quraanka aqrisanayay intii ay xaalada adag ku jireen, waxaana dadkan qaarkood ka dhamaaday ilmada sidii ay u ooynayeen intii ay saarnaayeen Diyaarada.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here