Diego Costa Iyo Jordan Henderson Oo Lagu Kala Qabtay Afaafka Hore Ee Qolalka Labiska Ka Dib Dagaal Dhexmaray.

0
260

Jordan Henderson iyo Diego Costa ayaa lagu waramayaa inay qeyb ka ahaayeen dagaal xun oo ka dhacay tunnel-ka laga aado qolalka labiska ka dib kulankii Liverpool iyo Chelsea ee habeenkii talaadada.

Labada nin ayaa waxaa kala qabtay xubin ka tirsan shaqaalaha kooxda Liverpool iyagoo ku dhawaaday inay gacanta iskula tagaan ka dib kulankii lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup ee Anfield ka dhacay.

Waxaase la rumeysan yahay inaan wax feer ah la iskuma dhufanin, laakiin labada ciyaaryahan ayaa is riixriixay intii ay si carro leh u murmayeen.

24E26CBB00000578-2920936-image-a-42_1421886798360

Henderson, oo qeyb ka qaatay goolkii barbaraha ee uu dhaliyay Raheem Starling ayaa ay isku dhaceen Costa dhamaadkii ciyaarta, inkastoo aan la ogeyn waxa dib u soo kiciyay isku dhacoodii ciyaarta ka dib.

Costa ayaa u muuqday mid ka careysan Henderson ka dib markii uu xiddiga Liverpool qalad ku galay Cesc Fabregas.

Henderson ayaa isna dhankiisa waji carro leh u muujiyay Costa ka hor inta uusan garsoore Martin Atkinson soo kala dhexgelin oo uusan la hadlin labada ciyaaryahan.

Isku dhaca Henderson iyo Costa ayaa waxa ay cusbo kale u sii yeeleysaa kulanka lugta labaad ee talaadada, iyadoo ay sii xumaaneyso xafiiltanka u dhaxeeya labada kooxood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here