Dibed-baxyadii ka socday Maraykanka oo sii xoogeystay, iskuna bedelay kuwo rabshado wata

0
215

Waxaa sii xoogeysnaya dibed-baxyada looga soo horjeedo Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump kuwaasoo ku sii fidaya saacadba saacada ka dambeysa magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka.

Dibed baxyada ka dhacaya meelaha qaarkood oo ahaa kuwo nabadeed ayaa waxay isu bedeleen kuwo rabshado wata oo ay fooda isku dareen dad careysan iyo Booliska, waxaana la gubay gaadiid iyo dhismayaal.

Shan qof oo ka tirsan dibed-baxayaasha diidan madaxweynaha la doortay ayaa lagu dilay magaalada Seatle, iyadoo aan weli wax faahfaahin laga helin cida ka dambeysay toogashadan.

 
Dad aad u badan ayaa iyana buuxiyey waddada Fifth Avenue ee magaalada New York, ka soo horjeedka sarta Trump Tower, halkaasoo madaxweynaha la doortay uu ku sugan yahay, waxayna sitaan boorar lagu qoray “Jaceylka ayaa ka guuleysta Naceybka” iyo ereyo kale.

Dibad-baxayaal kale ayaa isugu yimid banaanka Aqalka Cad ee Mareykanka, oo dhowaan noqon doona guriga cusub ee Trump.

 

Meel aan halkaas ka fogeynna, waddada Pennsylvania Aveneu ee hotelka Trump uu ku yaallo ayaa dibad baxayaasha waxa ay sidoo kale ku qeylinayaan “U dheh si xooggan, u dheh si cad, qaxootiga waa lagu soo dhoweynayaa waddankan”.

Magaalooyinka kale ee Bariga Mareykanka, sida Philadelphia, Miami iyo Boston ayaa dibad baxayaasha waxa ay sidoo kale ku baaqayaan in xilka laga qaado madaxweynaha la doortay Donald Trump.

 
Dhinaca galbeedna kale, magaalooyinka Los Angeles, San Francisco, Portland iyo Seattle ayaa kumanaan qof waxay gooyeen isu socodkii gaadiidka, ayagoo ka careysan guusha Trump.

Banaanbaxyada ayaa sidoo kale ka dhacay magaaloyinka ku yaalla bartmaha, sida Minneapolis iyo St.

Paul, Omaha iyo Kansas City, waxayna ku sii fidayaan magaalooyiin hor leh oo ka tirsan Maraykanka.

 

Booliska magaalooyinka waaweyn ayaa heegan Buuxa ku jira waxayna isku dayayaan iney kala eryaan dibed baxayaasha oo saacadba saacada ka dambeysa soo badanaya.












LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here