Dhulgariir khasaare nafeed & burbur geystay oo ku dhuftay nawaaxiga magaalada Christchurch

0
119

Dhulgariir xoogiisa lagu qiyaasay 7.8 ayaa ku dhuftay magaalooyinka waaweyn bariga wadanka New Zealand kaasoo khasaare nafeed iyo burbur intaba geystay.

Shacabka ku nool xeebaha bari ee wadankaas ayaa xalay saqdii dhexe loogu baaqay inay ka fogaadaan xeebta, maadaama laga cabsi qabay Tsunami ka dhalan karta dhulgariirka.

 
Raisal wasaaraha New Zealand John Key ayaa dadweynaha ugu baaqay feejignaan.
Burbur xoog leh ayaa soo gaaray wadooyinka degaanada u dhaw halka uu dhulgariirka ka dhacay, waxaana weli socda qiimeynta khasaaraha ka dhashay dhulgariirkan.

Dhowr ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen dhulgariirkan oo xoogiisa ka dhacay nawaaxiga magaalada Christchurch ee bariga wadanka New Zealand.

 
Shan sano ka hor ayey ahayd markii nawaaxiga magaalada Christchurch uu sidan oo kale uga dhacay dhulgariir xoog leh oo galaaftay nolosha 185 qof oo ka tirsanaa shacabka magaaladaas.











LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here