Dhul Gariir Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Taiwan Iyo Dabaqyo Dhaa Dheer Oo Soo Dumay

0
136

Dhul gariir xoog badan ayaa ku dhuftay Koonfurta Dalka Taiwan, gaar ahaan meel ku dhaw caasimada dalkaasi, waxaana dhul gariirkan ka dhashay Qasaaro isugu jira dhimasho, Dhaawac iyo bur bur xoogan.

Cabirka Dhul gariirka ku dhuftay Koonfurta Dalka Taiwan ayaa lagu sheegay 6.5 magnitude, waxaana dhul gariirkan uu bur buriyay dhismayaal badan ay dad ku dhax jireen, waxaana la sheegay in dhul gariirku dhacay xili ay dadu badi hurdayeen.

Ugu yaraan 5-qof uu ku jiro cunug 10-maalin dhalnaa ayaa ku dhintay dhul gariirkaasi tiro kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, waxaana kooxaha gurmadka ay ku hoolan yihin baadi goobka dad laga yaabo in ay ku jiraan dhismayaasha soo dumay.

Mid kamid ah Dhismayaasha dhaa dheer ee kusoo dumay dhul gariirkan ayaa waxaa laga soo bad baadiyay dad gaaraya 200-qof oo ku xayirnaa, waxaana dadkan ay ahaayeen kuwa hurdayay marka uu dhul gariirku dhacayay.















 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here