Dhismaha Cusub Oo Ay Safaarada Turkiga ka dhisanayso Muqdisho

0
159

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u joogaa magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta cusub ee safaaradda ee dawladda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taas oo dhowaan la daah furi doono.

Cabdiweli Gaas ayaa kulan gaar ah xarunta Safaarada waxa uu kula qaatay Ambassador Olgan Bakar, waxa ayna ka wada hadleen marxaladdaan kala guurka ah ee dalka Soomaaliya uu ku jiro iyo doorashooyinka 2016-ka ee uu dalku wajihi doono iyo doorka siyaasadeed ee dawladda Puntland ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale danjire Olgan Bakar ayaa Madaxweynaha Puntland ku marti qaaday in uu kala soo qayb galo munaasabadda daahfurka dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taas oo uu si rasmi ah xarigga uga jari doono Madaxweynaha dawladda Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey danjiraha dawladda Turkiga sida wanaagsan ee u soo dhoweeyey isla markaana waxa uu ka aqbalay marti qaadka ay dawladda Turkigu u fidisaday ee ah in uu kala soo qayb galo xafladda daahfurka dhismaha cusub ee Safaaradda.

 

Dhismaha cusub ee safaaradda dawladda Turkiga ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid si casri ah loo dhisay isla markaana loo qalabeeyey, sidoo kalena waxa uu noqonayaa dhismaha ugu weyn safaaradaha dawladaha caalamku ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.











LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here